Garoowe: (pp)- Kulan maanta lagu qabtey Guriga Gobolka Nugaal ee magaalada Garowe ayaa looga arrinsadey xal u helida xirmooyin maalmihii lasoo dhaafey laga sameeyey dooxooyinka Gobolka Nugaal, kuwaas oo saameyn ku yeeshey dooxooyinka xooluhu daaqayeen.
Shirkan waxaa kasoo qeyb galey Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Labada wasiir ku xigeen ee Wasaarada Beeraha Puntland, Saraakiil ka socota Maamulka Dowlada Hoose Garowe, Iyo Nabadoono ka tirsan odoyaasha dhaqanka Gobolka , Iyadoona kulanka ka dib go,aamo dhinacyadii kasoo qeyb galey ay kasoo saareen.
Xoghayaha Dowlada hoose Garowe Qaasim Maxamed Cabdi oo Puntlandpost u waramey ayaa sheegey in shirka ay kasoo baxeen Go,aamo ku saabsan ilaalinta deegaanka, kuwaas oo lagu mamnuucay in aan dhirta la jari karin , in aan deegaanka laga hir galin karin beero aan ahayn kuwo dalag-yadu kasoo go,aan ee miraha leh.
Qaasim waxa uu intaas ku darey in la isla gartey dowlada iyo qeybaha bulshada oo odoyaashu hormuud u yihiin in ay ka qeyb qaataan fulinta go,aamada shirka maanta kasoo baxay, xilli maalmihii lasoo dhaafey sida aanu wararka ku helayno ay jireen dhul xirmeedyo aad u tiro badan oo laga sameynayey dhulka dooxooyinka ee ku xeeran magalada Garowe.
Xoghaye qaasim waxa uu carabka ku dhuftey inay jiraan dad si khaldan deegaanka wax uga sameynaya, kuwaas oo leh dano iyo ujeedooyin aan wax soo saar lahayn , isagoona intaas raaciyey inay ka danbeysay xirmooyinkan cusub, ka dib markii dhawaan hay,addaha qeybtood shaaciyeen in ay fulin doonaan mashaariic beeraha lagu horumarinayo , kuwaas oo ay damac xumo ku abuurtey shaqsiyaad aan deegaanka u daneynayn ayuu yiri Mr Qaasim.
Qaar ka mid ah Nabadoonada Gobolka ee joogey shirka ayaa cambaareeyey xirmooyinka cusub oo ay ku tilmaameen in ay yihiin kuwo caqabad ku ah dhulka xooluhu ay daaqi jireen, waxayna ka dalbadeen maamulka Gobolka in uu fuliyo talaabo wax lagaga qabanayo , iyagoona balan qaadey in ay ku garabsiin doonaan.
Dowlada Puntland ayaa horey ugu guuleysatey baneynta dhul xirmeed aad u balaarnaa oo ka dhisnaan jirey dooxooyinka, kuwaas oo loo baneeyey in ay daaqaan xoolaha, waxaana inta badan xirmooyinkan la hirgaliyaa marka roobabku ka da,aan dhulka, kuwaas oo loo sababeyn karo waxay la xiriirta arrimo ganacsi oo shaqsiyaadka xirmooyinka sameysta ay ku faa,iidaan.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garoowe