Muqdisho: (pp)-Fadhi maanta ay yeesheen Baarlamanka DF Somalia ayaa waxaa kasoo qeyb galey 165 mudanayaal oo ka tirsan baarlamanka Somalia , kuwaas oo kaga hadley shirkooda waxyaabihii u qabsoomey saddex guddi oo kala ah Guddiga Dhaqaalaha Ganacsiga Warshadaha, Guddiga Gaadiidka wadooyinka iyo Guddiga warfaafinta dhaqanka iyo Boostada.
Fadhiga maanta ayaa warbixin waxaa looga dhageystey howlihii u qabsoomey saddexdaasi guddi, waxayna kusoo bandhigeen goobta mudanayaashu fadhiyeen in ay warbixino ka hadlaya daba galo ay ku sameeyeen guddiyadaasi wasaaradihii ay wada shaqeynta kala dhaxeysay.
Guddiyada warbixinta soo gudbiyey ayaa sheegey in ay jiraan wasaarado waxyaabo badan u qabsoomey , halka ay tilmaameen in ay dhiman yihiin qeybo kale oo ka hadli doona warbixinadooda , islamarkaana dhawaan ay soo gudbin doonaan.
Kulanka baarlamanka ee maanta waxaa shir gudoominayey oo goob joog u ahaa Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Cismaan (Jawaari) waxaana uu soo xirey gabo gabadii kulanka , iyadoo lagu balamey maalinta beri ah in la dhameystiri doono dhageysiga warbixinada guddiyada harsan.
Kulamadii ugu danbeeyey ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa ay warbixinno uga dhageysanayeen gudiyada Baarlamaanka Soomaaliya taas oo qeyb ka noqotay ajandayaasha joogtada ah ee kulumada Baarlamaanka.
Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Muqdisho Somalia