Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ururka Ardeyda jaamacadda Bosaso qaybta Garowe oo doortey gudoomiye cusub (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Ururka Ardayda Jaamacadda Bosaso University faraceeda magalada Garowe ayaa doortay gudoomiyaha ardaydda, ka dib munaasibad lagu qabtay isla xarunta Jaamacadda.

Doorashada gudoomiyaha ardaydda Jaamcadda Bosaso, waxaa kasoo qayb galay wasiirka waxbarashada Puntland, ku xigeenkiisa, gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha iyo xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad.

Saddex xubnood ayaa hoggoonka ardayda ku tartamayey kuwaasoo kala ahaa Cabdirashiid Siciid Ashkir, Guuleed Maxamuud Cabdicasiis iyo Xaawo Axmed, waxayna doorashadu ahayd mid ardaydu ku codeynayaan sanduuqa.

Ugu danbeyntii ardayda ayaa gudoomiye u doortey Cabdirashid Siciid Akshir, waxaana la tartamayay Xaawo Abshir Maxamed iyo Guuleed Maxamuud Cabdisiis.

Gudoomiyaha Jaamacadda Bosaso qaybteeda Garowe mudane Cabdirisaaq Axmed Faarax ayaa ka waramay qaabka doorashada u dhacday iyo sida loosoo qaban qabiyay, waxa kale uu boggaadiyay sida ay ardaydu uga qayb qaateen doorashada, sidoo kale masuulkan ayaa u mahad celiyay macalimiinta Jaamacadda.

Wasiirka waxbarashada Puntland Mudane Abshir iyo ku xigeenkiisa Dr.Maxamed Cali Faarax ayaa hambalyo u diray gudoomiyaha cusub ee ardayda Jaamacadda Bosaso, waxa kale ay sheegeen inay ahayd qaabka doorashada u dhacday nidaam heer caalami oo wax dhuumasho ah ku jirin.

Wasiir ku xigeenka waxbarashada Dr.Maxamed Cali Faarax oo soo maamulay Jaamacaddan ayaa sidoo kale shegay inay muhiim tahay kor u qaadista tayadda tacliinta sare iyo Jaamacaddaha, waxa kale Dr.Faarax sheegay wasaradda waxbarashadu inay ka go’an tahay markasta sidii horumarinta waxbarashada kala duwan ee Puntland kor loogu sii qaadi lahaa.

Gudoomiyaha xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland Maxamed Yuusuf Cali oo isaguna kasoo mid noqday madaxda Jaamacaddan ayaa soo dhaweeyay habka wanaagsan ee ardaydu u doorteen gudoomiyahooda cusub, sidoo kale waxa uu sheegay inay farxad galinayso in ardaydu ay dadaal ugu jiraan aqoonta.

Gudoomiyihii hore ee ardaydda Jaamacadda Bosaso ayaa u mahad celiyay gudoomiyaha cusub Cabdirashiid Ashkir, wuxuna sheegay inuu si wanaagsan ula shaqayn doono uuna ku qanacsan yahay qaabka doorashadu u dhacday, gudoomiyaha cusub ayaa dhankiisa u mahad celiyay mamulka iyo ardaydda Jaamacadda, wuxuna sheegay inuu ka shaqayn doono isku xirka ardaydda iyo ka war-qabkooda.

Jaamacadda Bosaso University ayaa xarunteeda weyn ku taala magalada Bosaso, waxayna ka mid tahay Jaamacaddaha mudooyinkii danbe ardayda kasoo baxa dugsiyada sare iyo kuwo tacliinta kale koror-sanaya galleen.
IMG_9286

IMG_9287

IMG_9288

IMG_9292

IMG_9293

IMG_9295

IMG_9301

IMG_9304

IMG_9309

IMG_9312

IMG_9332

IMG_9333

IMG_9342

IMG_9345

IMG_9350

IMG_9352

IMG_9376

IMG_9381

IMG_9385

IMG_9388

IMG_9396

IMG_9401

IMG_9413

IMG_9422

IMG_9430

IMG_9432

IMG_9444

IMG_9446

IMG_9451

IMG_9457

IMG_9503

IMG_9515

IMG_9526

IMG_9529

IMG_9541

IMG_9554

IMG_9559

IMG_9561

IMG_9572

IMG_9573

IMG_9576
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>