Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro:- Dawladda Puntland iyo Dawladda Federaalka oo siwada jir ah u beeniyey Warar been ah laysla dhexmarayey Maalmahan.

$
0
0

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaaliya Xaawo Xasan Maxamed iyo Wasriika CaafimaadkPuntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Cawke oo galabta Dec-11-2015 markale booqday Cusbitalka Digfeer isla markaasina xog-waraystay Agaasimaha Guud ee Cusbitalka iyo Dhakhtarka Qalliinka ayaa si wada jir ah uga warbixiyey hadallo maalman lagu buun buuninayey baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Hadalladaas oo ahaa in dadkii ku dhaawacmay Dagaalkii Gaalkacyo ee u dhexeeyey labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug dhinac kamid ah dhaawacyadoodii dibadda loo qaaday halka dhinici kalena aan dhaawacyadoodii waxba laga qaban.

Wasiirka Caafimaadka Puntland oo Subaxnimadii hore ee saaka booqday dhaawacyada jiifa cusbitaalka ayaa ku guuleystey inuu wasiirka caafimaadka Dawladda Federaalka horgeeyo Maamulka Cusbitalka iyo dhakhaatiirta ka hawl gala oo lagu eedeeyey inaanay u hagar bixin bukaanada jiifa cusbitalka.

Kadib kulan dheer oo is xog waraysi ah oo dhexmaray labada wasiir iyo maamulka Cusbitaalka ayaa maamulka iyo dhakhaatiirtuba kubeeniyeen inaan hadalladaasi waxba kajirin isla mar ahaantaana waxay uga warbixiyeen labada wasiir xaaladda dhabta ah ee bukaanada jiifa cusbitaalka.

Is xog waraysi badan kadib labada ayaa shir jaraa’id oo ay warfidiyeenka siwada jir ah ugu qabteen waxay ku caddeeyeen in xaaladda guud ee dhaawacyadu ay tahay mid wanaagsan isla markaasina ay hawl wadeenada cusbataalku u heelanyihiin habeen iyo maalinba sidii loo dabiibi lahaa bukaanada jiifa cusbitaalka.

Wasiirka caafimaadka Puntland ayaa meesha ka saaray hadalka oranayaa dhaawacyadii gaalkacyo ayaa lakala faquuqay waxaana uu intaasi raaciyey labadii dhinac ee iska soo horjeedey markii hore inay hadda meel wada jiifaan oo meel wax kuwada cunayaan.

Wasiirka Caafimaadka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa geesta sheegtay inay dadka soomaalida ahi isku mid yihiin isla markaasina aanay waxba kajirin haddalan la buun-buuninayo oo tilmaamaya kala faquuq lagu sameeyey dhaawac yadii Gaalkacyo, iyadoona ugu baaqday dadka hadalladaasi faafinaya in ay ka waantoobaan waxyaabaha kala fogeynaya ummadda soomaaliyeed.

—DHAMMAAD—
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland

Halkaan kadhegeyso Codka Wasiirka Caafimaadka Puntland.

Halkaan kadhegeyso Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya

IMG_6896IMG_6900IMG_6908IMG_6914IMG_6923IMG_6929IMG_6932IMG_6941IMG_6949IMG_6957IMG_6966IMG_6973IMG_6976IMG_6979IMG_7003IMG_7012


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>