Muqdisho(pp) Wararka caawa ayaa sheegaya inuu baaqday shirkii arrimaha doorashada looga hadli lahaa oo madaxda mamulada dalka iyo DFS ku balan sanaayeen inuu beri uga furmo magalada Muqdisho.
Sababta shirkaasi dib u dhigtayna ayaa lagu sheegay is-faham la’aan weli mamulada dalka iyo DFS ka dhextaagan taasoo salka ku haysa nooca doorashada ee la wada qaadanayo iyo habka xildhibaanada Baarlamaanka cusub lagu soo xulayo.
Hab deegaan in xildhibaanada lagu soo xulo waxaa isku rayi ka ah Puntland iyo Jubbaland, halka Koonfur Galbeed, Gal-Mudug iyo gobaladda kale qaarkood isku raaceen iyo dowladda dhexe in lagu saleeyo 4.5 oo ah nidaamka dowladda Xasan Shiikh Maxamuud ku dhisan tahay, guddiyada matalaya dhinacyada ku sugan Muqdisho ayaa weli ku kala rayi duwan arrintaasi mana muuqato ilaa iyo hada xal laga gaaray doorashada.
Beesha caalamka ayaa dadaal ugu jirta dhex-dhaxaadinta mamulada ku kala aragti duwan deegaanka iyo 4.5 waxayna wakiilada Muqdisho ku sugan wadaan in meel dhexe la iskugu keeno si howlaha harsan loo wada qabto.
Madaxwaynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Farole ayaa talo ahaan usoo jeediyay inaan dib loogu laaban nidaamka afar dhibic shan, doorashada soo socotana lagu saleeyo hab deegaan oo ah nidaam horay looga wada hadley.
Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa u muuqata inay aad u xiisaynayso in doorashada 2016 lagu galo nidaamka 4.5 balse waxa aad loo hadal hayaa sida lagu qancin karo Puntland iyo Jubbaland oo nidaamkaasi diidsan.