Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda Haweenka iyo xafiiska xaquuqul aadanaha Puntland oo wariyaal abaal-marino gudoon siiyay (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland MAP Mudane Faysal Khaliif Barre ayaa soo dhaweeyay abaal-marino ay wasaradda Haweenka iyo xafiiska xaquuqul aadanaha gudoon siiyeen saddex wariye oo ka mida kuwa ka howl gala magalada Garowe.

Barre ayaa sheegay inay tahay tilaabo wanaagsan oo MAP soo dhawaynayso in wariyaasha muujiya kartidooda wax-qabad la abaal-mariyo isla markasna la muujiyo dadaalkooda, wariyaasha abaal-marinta iyo shihaadooyinka la gudoon siiyay ayaa kala ahaa Cali Cabdi Cabdi Ducale, Maxamed Daahir Caysane iyo Ibraahim Muuse Dahraah (Wadani).

Gudoomiyaha MAP ayaa warbaahinta Puntland ugu baaqay inay sii xoojiyaan shaqada ay dalka iyo dadka u hayaan ayna mar walba dhinaca wanaagsan gaar ahaan xagga arrimaha bini’aadannimada soo tabiyaan oo waqtigooda qayb ka mid ah siiyaan diyaarinta barnaamijyo iyo sheekooyin ka hadlaya xaalada danyarta.

Ibraahim Muuse Dahraan ayaa u mahad celiyay wasaradda Haweenka iyo xafiiska xaquuql aadanaha Puntland, wuxuuna sheegay inay ka go’an tahay waqti kasta sidii war bixino looga samayn lahaa dadka danyarta ah ee u baahan garab istaag.

”Runtii waxaan aamin sanahay inay wax badan oo qarsoon warbaahintu soo bandhi karaan gaar ahaan xagga dadka danyarta ah, waxaan annagoo illaahey talo saaranayna naga go’an inaanu garab istaago walaalahayaga u baahan in la caawiyo, sidaasna waan aamin sanahay inay nala fahmi doonaan saxaafada kale”’ Wadani ayaa sidaasi yiri.

Cali Ducale iyo Ibrahim Wadani ayaa mudooyinkii danbe war bixino ka diyaariyay Islaan waayeel ah oo mudo afar sano misigta bixi ka jaban, wiil ka yar 15-sano oo lugi xabdi jajabisay iyo gabar lix jir ah oo ku dhacay xanuun aan ilaa iyo hada la aqoon balse sidii wax loogu qaban lahaa dadaalkeedu uu socdo.

Wasiirka Haweenka Puntland Anisa Xaaji Muumin iyo gudoomiyaha xaquul insaanka Maxamed Yuusuf ayaa ku dhiiri-galiyay wariyaashaan inay dadaalkooda sii xoojiyaan.
IMG_9212

IMG_9201

IMG_9195

IMG_9180

IMG_9153

IMG_9125
Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>