Garowe(pp) Wasiirka warfaafinta Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, Gudoomiyaha xaquuqul aadanaha Maxamed Yuusuf Cali, Gudoomiyaha suxufiyiinta MAP Faysal Khaliif Barre, Siyaasi Maxamed Cabdinuur Xirsi iyo Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad ayaa ka wada qayb galay dood ay qabatay Radio Daljir taasoo diiradda lagu saaray arrimaha xaquuqul aadanaha, heerka Puntland ka gaarsiisan yahay ilaalintiisa iyo sareynta sharciga.
Barnaamijka Maan-Hadal oo uu tabinayay Maxamed Cabdilaahi Kooshin ayay masuuliyiintani si kala duwan uga hadleen warbixintii uu xafiiska xaquuqul aadanaha hor dhigay gollaha Baarlamaanka, taasoo qayb ka mid ah lagu dhaliiley hay’addaha amniga iyo xukumadda oo aan wax muuqda u qaban dadka danyarta ah, sidoo kale aqoonta garsoorayaashsa ayay dhaliishey war bixinta.
Wasiirka warfaafinta Puntland Soocade ayaa sheegay inay wax ka jiraan war bixinta xafiiska xaquuqul aadanaha balse ay ku jirto qodobo laga bad badiyay, waxa kale uu ku eedeeyay xafiiskan inuusan waxba ka sheegin waxqabadka dowladda balse dhaliisha oo kaliya ay xooga saarto.
Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo ka mid ahaa dadka doodan ka qayb galay ayaa soo dhaweeyay war bixinta Maxamed Yuusuf Cali wuxuna ku tilmaamay inay tahay war bixin si hufan looga soo shaqeeyay oo la qodobeeyay.
Siyaasi Maxamed Cabdinuur Xirsi oo mudo labo jeer u tartamey xilka madaxwaynaha Puntland ayaa dowladda ku dhaliilay inaysan weli hirgalin maxkamaddii dastuuriga ahayd ee laga sugayay, ayna muhiim tahay in la hir galiyo sidoo kale waxa uu soo dhaweeyay masuulkan war bixintii sanad laha ee xafiiska xaquuqul aadanaha hor geeyay Baarlamaanka.
Sidoo kale barnaamijka inta uu socday waxaa looga hadlay xorriyada hadalka iyo saxafada, Maxamed Cabdinuur waxa uu sheegay in weli saxaafadu xiriiri ku jirto sidoo kale xarrigii Jaamac Deperani ayuu ku tilmaamey mid sharci daro ah.
Hoos ka dhagayso Barnaamijka Maan-hadal ee Radio Daljir iyo Maxamed Kooshin.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com