Garowe(pp) Sowdo Cabdi Aadan ayaa kasoo jeeda qoys danyer ah oo aan hanti badan haysan, waxay ku dhalatay degmada Eyl ee Gobalka Nugaal, Aabaheed waxaa la yiraahdaa Cabdi Aadan Mursan, hooyadeedna Suuban Aadan Isaaq waxay kasoo jeedaan Koonfurta Soomaaliya.
Sowdo Cabdi Aadan xanuunka ay la il-daran tahay ilaa iyo hada waxa uu kusoo bilowday iyadoo labo sano jir ah, sida ay noo xaqiijiyeen labadeeda waalid, xanuunka ayaa ka bilowday indhaha oo aad u xanuuney, ka dibna isha midig uu nabar kasoo baxay taasoo keentay inuu kusii bato xanuunka inantaasi yarta ah haleelay,marka laga tago xanuunkaasi waxaa maqaarka jirkeeda badalmay midibkiisii.
Xanuunka jirka iyo kan indhaha si looga daaweeyo waxay ula soo dhaqaaqeen Muqdisho, balse Hooyada dhashay Gabadhaan oo la yiraahdo Suubaan Aadan ayaa sheegtay inaan waxba laga qaban xanuunkeeda isla markasna aanan loo sheegin waxa uu yahay.
Aabaha oo hadlaya ayaa yiri” dhamarka gabadhayda kasoo baxay wajiga hore wuxuu ku bilowdey sanadkan bilowgiisa, xanuunkii ka hayay isha midig ayaa sababay inuu u wareego sajuuda halkaasna uu ka dilooco, xanuunka ayaa u muuqday mid kusii badanaya maalin-ba maalinta ka danbeysey mana helin daryeel caafimaad iyo garab istaag” haddana oo aad i waraysanaysana waxaan u baahan nahay in Sowda caafimaad wanaagsan illaahey siiyo dadka Soomaaliyeedna iga caawiyaan dhaqaalihii dibadda loogu qaadi lahaa.
Lix-jirtan xanuunsan mudada afarta sano ah ayaa muuqaalkeedii oo dhan is-badalay wuxuna saameyn ku yeeshay nolasha qoyskeeda oo dhan, aabaha ayaa ah kan kaliya ee reerka u dhaq-dhaqaaqa kama badna wuxuu magalada kasoo shaqaysto biilka reerka iyo waxay maalintaa un quudan lahaayeen, marka taa laga yimaado hooyada dhashay gabadhan ayaa ka rajo dhigtay nolasha aduunyo mana ahan qof shaqeeya waxay xili kasta ilaalisaa gabadheeda oo aan xitaa waxba arag, xanuunka ayaana ka ridey indhaha.
Wasaradda Caafimaadka ayaa cadeysay inaan gabadhaan xanuunkeeda waxba looga qaban karin dalka ayna u baahan tahay Isbitaalo dibada ah, mana jirto ilaa iyo hadda wax u qabasho ay dowladda Puntland u samaysan Sowda Cabdi Aadan.
Haddii aan si deg deg ah xaaladeeda caafimaad waxba looga qaban waxaa suurta gal ah inuu kusii xumaado xanuunka haya,qoyskeedana ay ka rajo dhigaan.
Hoos waxaan kuugu soo gudbinayaa sawiraddii ugu danbeeyay ee qoyskan danyarta ah laga soo qaaday, waxana booqday wariye Cali Cabdi Ducale oo ka mid ahaa wariyaashii u istaagay sidii loo caawin lahaa, dhaqaalena loogu aruurin lahaa.
Hoos sidoo kale ka akhriso war-qadii kasoo baxday wasaradda caafimaadka.