Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaradda Caafimaadka oo kooxo caafimaad udirtay qaar ka mid ah gobaladda Puntland (Sawirro)

$
0
0

Garowe(pp) Wasaradda Caafimaadka dowlada Puntland ayaa maanta kooxo caafimaad u dirtay afar gobol oo ka mid ah kuwa Puntland, kuwaasoo kasoo fulin doono dhammaan addeegyada caafimaadka.

Munaasibadda kooxahan lagu sagootinayay oo lagu qabtay xarunta wasaradda ayaa waxaa ka hadlay agaasimaha guud ee wasaradda Caafimaadka Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan wuxuna sheegay tiimamkan inay kala aadi doonaan deegaano hoos yimaada Gobaladda Sool, Cayn, Haylaan iyo Nugaal.

Kooxahan caafimaad ayuu sheegay inay mudo todobaad ah meelaha ay tagi doonaan ka fulin doonaan addeegyo caafimaad koox kastana waxaa hoggaaminaya sida uu agaasimuhu sheegay labo dhakhtar, waxayna iskugu jiraan shaqalaha wasaradda caafimaad,dhakhaatiir iyo kal-kaaliyaal.

Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa sheegay barnaamijkan inuu yahay noociisa kii lixaad oo la qabto isla markasna uu faa’iidooyin badan keenay, wuxuna u mahad celiyay Hay’adda UNFPA oo barnaamijkan kala shaqaysan, daawooyin kala duwan ayay kooxahan caafimaad horay usii qaateen kuwaasoo loogu talo galay in howlgalkooda ku fuliyaan ee caafimaad.

Wuxuu kula dardaarmay agaasimaha inay si wanaagsan addeegyada caafimaadka u gaarsiiyaan meelihii loogu talo galay, isagoona sheegay barnaamijkan oo kale isagoo tijaabo ah in laga hir galiyay gobalka Sool.

Wasaradda Caafimaadka ayaa horay barnaamijyo caafimaad ka hirgalisey deegaanada laamiga ka fog, deegaano ka tirsan gobalka Gardufuu ayaa laga hir galinayaa xarumo caafimaad oo labo ka mid ah ay noqon doonaan Isbitaalo.
DSC07409

DSC07411

DSC07412

DSC07414

DSC07415

DSC07418

DSC07419

DSC07420

DSC07421

DSC07431

DSC07436

DSC07437

DSC07438

DSC07439

DSC07440

DSC07443

DSC07444

DSC07456

DSC07465

DSC07470

DSC07473

DSC07476

DSC07477

DSC07480

DSC07482

DSC07483

DSC07485
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>