Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidamada Amniga oo howlgalo kawada Baladweyne

$
0
0

Baladweyne(PP): Ciidamada Amniga ee dowladda Fadaraalka ayaa howlgalo saaka ka sameeyey magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan,waxana howlgaladaasi lagu baarayey dil shalay ka dhacay baladweyne.

Xaafada Howlwadaag ee Baladweyne ayey ciidamda saaka howlagalada kasamaynayeen waxaana ay baarayeen dadka iyo gaadiidka,goobjooge kusagan xaafada ay ciidamada ka samaynayeen baaritaanka ayaa Puntland Post u sheegay in Ciidamda baarayeen dadka iyo gaadiidka, islamarkaana la arkayey ciidamo badan oo maraya wadooyinka Xaafada.

Laamaha amniga ee Baladweyne ayaa dhankooda tilmaamay inay wadaan howgalada, kuna dabajoon dil shalay ka dhacay baladweyne cidii ka dambaysa, waxayna sheegeen markuu soo dhamaado howlgalku inay la hadli doonan warbaahinta.

Inta badan Baladweyne waxaa hareeyey dilal loogaysanyo dadka shacabka ah, waxaa shalay lagu dilay Qof shacab iyo Askari, lamana garano cida ka dambaysa dilkooda,kooxdii dilka gaysatay ayaana ka baxsatay goobta.

Puntlandpost.com

Xasan Baashe.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>