Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Guddiga Isboortiga Puntland oo sharci daro ku tilmaamay Guddi cusub oo ay Wasaaradda Ciyaaruhu magacowday.

$
0
0

Garowe(PP)-Qoraal ay Warbaahinta Puntlandpost soo gaarsiiyeen Guddiga Sare ee Ciyaaraha Puntland ayaa sharci daro ku tilmaamay Guddi cusub oo ay Dhawaan  Wasaaradda Ciyaaraha iyo Dhalinyaradda Puntland u magacowday Ciyaaraha Puntland, Guddigan qoraalka soo gaarsiiyey Warbaahinta Puntlandpost ayaa tilmaamay inay iyagu yihiin Guddiga Ciyaaraha Puntland uuna 2013kii u magacaabay Wasiirkii Ciyaaraha iyo Dhaliyaradda ee xiligaa C/weli Xirsi Cabdulle (Indhaguran)

Waxayna Sheegeen in magacaabistan cusub ay dabbo socotto heshiis ay indhawaalaba isku fahmi la’aayeen Guddiga Sare ee Ciyaaraha Puntland iyo Wasaaradda Ciyaaraha kaas oo ay Wasaaraddu la gashay Guddi Sheegta xiriirka Kubadda cagta Soomaaliya oo ka dhisan Magaaladda Muqdisho Hase ahaate Guddiga ayaa heshiiskaas Ganafka ku dhuftay iyagoo Sharcidaro iyo waxaysan Soomaalidu ku heshiin ku tilmaamay Guddiga ay wasaaradu Heshiiska la gashay.

Guddiga Ciyaaraha Puntland ayaa horay qoraal ay kaga ashtakoonayaan Heshiis ay kala saxiixdeen Guddiga xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ee fadhigiisu yahay Muqdisho iyo Wasaaradda Ciyaaraha Dawladda Puntland u gudbiyey Golaha Wakiiladda kaas oo lafilaayo inay dhawaan Baarlamaanku dib u eegis ku sameeyaan.

Hoos ka eeg Qoraalka ay Guddiga Ciyaaraha Puntland kasoo saareen Guddigan cusub iyo Warqadda uu Wasiirkii hore ku Magacaabay Guddiga sare ee Isboortiga Puntland 

gudiga-sare-ee-sportska-puntland

Hoos ka akhriso Waraqada Magacaabista Guddiga Sare ee Isboortiga Puntland oo ku saxiixan yahay Wasiirkii hore ee Isboortiga Puntland C/weli Xirsi Cabdulle.

waraaqda-magacaabida

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>