Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Deg deg: Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland oo ka digay nidaamka 4.5. Madaxwayne Gaasna farriin u diray (Dhagayso)

$
0
0

Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka Puntland oo maanta shir jaraa’id u qabtay magalada Garowe ayaa ka digay inaan dib loogu laaban nidaamka 4.5 oo wararka soo baxaya sheegayaan in madaxda mamuladda dalka ee nidaamkaasi diidan lagu cadaadinayo inay raali ka noqdaan.

Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Dhooba-daareed oo ka mid ahaa mudanayaashii shirka jaraa’id qabtay ayaa sheegay Baarlamaanka Puntland inuu go’aan ka qaatay inaan dib loogu laaban nidaamka afar dhibic shan, isla markasna ay muhiim tahay inaan nidaamkaasi lagu mashquulin oo laga gudbo.

Waxa uu sheegay Dhoobo-daareed in 600 oo shacabka Puntland aragtidooda kusoo aruurtey in doorashada 2016 lagu saleeyo hab deegaan oo laga gudbo nidaamkii hore ee qabiilada qaarkood hoos u dhigay.

Xildhibaanka ayaa uga digay madaxda shirarka Muqdisho uga qayb galaysa ee uu hoggaaminayo madaxwayne Cabdiweli Cali Gaas inaysan raali ka noqon nidaamka 4.5 isla markasna talada dib ugu soo celiyaan baarlamaanka iyo shacabka.
Shacabka Puntland ayuu masuulkani ugu baaqay inay noqdaan shacab soo jeeda oo ka war qaba dowladooda iyo masiirkooda halka uu marayo.

Xildhibaanada kale ee hadlay ayaa dhankooda sheegay inay muhiim tahay in madaxda Puntland ku deg degin inay qaataan in doorashada soo socota lagu saleeyo nidaamka 4.5 ee la doonayo in laga gudbo.

Shirka maanta Muqdisho ku balan-sanaayeen madaxda mamulada dalka iyo DF ayaa u baaqday muran weli ka dhextaagan sida la isagua fahmayo nidaamka doorashada lagu salaynayo, Puntland iyo Jubbaland ayaa dhankooda diidan nidaamka 4.5. waxayna ku dhegan yihiin in lagu saleeyo habka deegaanka doorashada dhici doonta 2016.

Dhagayso Xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Dhooba-daareed oo arrintaasi ka hadlaya.
DHAGAYSO

XIGASHO.WWW.PUNTLANDTODAY.COM


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>