Qardho(pp) Waxaa maanta oo Sabti ah xarunta Gobalka Karkaar ee Qardho laga furay qayb ka mid ah shirkadda bad-baadada iyo tactirka gaadiidka.
Munaasibada xaruntaasi lagu furayay waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland, mamulka Gobalka kan degmada iyo masuuliyiin ka socda shirkadan.
Mamule ku xigeenka shirkadda dayactirka gaadiidka DBB Maxamed Ismaaciil oo ka hadley munaasibadda ayaa sheegay ahmiyadda loo furay xaruntan inay tahay sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka gaadiidka iyo in laga taxadaro inta aanan safar lala galin.
Masuuliyiinta mamulka Gobalka Karkaar iyo degmada Qardho ayaa soo dhaweeyay xaruntan waxayna ku tilmaameen inuu wax badan ka badali doono baahida loo qabay goob sidaan oo kale oo gaadiidka xaaladooda lagu ogaado.
Wasiir ku xigeenka howlaha guud iyo gaadiidka Puntland Cabdiraxmaan Tijaana oo xarubtan xariga ka jaray ayaa sheegay in Shirkadda DBB wada shaqayn kala dhaxayso wasaradda ayna mar kasta ka go’an tahay sidii looga war qabi lahaa caafimaadka lagu dhex wado magaalooyinka iyo kuwa safarka galaya.
Shirkadda DBB ayaa horay xarumo noocaan oo kale ah ka furay magaalooyinka Garowe iyo Bosaso, sidoo kale waxaa laga furi doonaa xaruntan oo kale magalada Gaalkacyo.