Muqdisho(pp) Weli waxaa la isku mari la yahay habka loo wajahayo doorashada 2016- mana muuqata ilaa iyo hadda meel dhexe oo dhinayacada ku kala aragtida duwan iskugu yimaadeen.
Saaka oo Axad ah ayaa mar kale lagu wadaa inuu qabsoomo shir dhexmari doono madaxda mamuladda dalka iyo dowladda dhexe, waxana looga wada hadlayaa sidii go’aan looga gaari lahaa in doorashada lagu wajaho nidaamka 4.5, wararka soo baxayana waxay cadeynayaan in madaxda diidan nidaamkaasi oo wakiilka ka ah Puntland iyo Jubbaland lagu cadaadinayo inay ogolaadaan.
Nidaamka 4.5 waxaa isku raacsan in doorashada lagu saleeyo Gal-Mudug, Koonfur Galbeed, Hiiraan,Shabeelada dhexe iyo DFS, waana tan keeneysa in madaxda Puntland iyo Jubbaland cadaadiska lagu saaro inay ogolaadaan.
Shirka saaka furmaya ayaa lagu wadaa in dhammaadkiisa lagu shaaciyo in hal go’aan la wada qaatay, maadama weli harsan yihiin howlo badan oo ay ugu horayso isku diyaarinta shirka madaxda Soomaalida iyo saaxibadooda uga furmi doono sanadka cusub wadanka Turkey.
Xildhibaano ka tirsan Puntland oo shalay war-baahinta kula hadlay Garowe ayaa sheegay inaysan raali ka noqon doonin wafdiga Puntland matalaya ee Muqdisho ku sugan inay kaligood go’aan ku qaataan nidaamka 4.5, balse muhiim tahay in wadatashiga arrintaasi dib loogu soo celiyo shacabka Puntland.
Baarlamaanka Puntland ayaa go’aan kasoo saaran nidaamka 4.5 inaan lagu noqon sidoo kale Garowe 2 ayaa lagu heshiiyay in nidaamkaasi laga gudbo oo aan dib loogu laaban dadka ka digay waxaa ka mid ah madaxwaynihii hore Puntland Cabdi-raxmaan Farole.
Wixii kasoo baxa shirka saacadaha soo socda ka furmaya xarunta Xalane ee Muqdisho kala soco war-sidaha Puntland Post.
Puntlandpost.com