Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Shirkado maal-galin samaynaya oo soo gaaray Puntland (DHAGAYSO)

$
0
0

Garowe(pp) Wasiirka ganacsiga Puntland Cabdiweli Xirsi Indho-guran ayaa sheegay in shirkado ganacsiga oo waa weyn soo gaareen magalo madaxda ganacsiga ee Bosaso, kuwaasoo dhowaan shaqo bilaabaya.

Labo shirkadood ayaa hadda ku sugan magalada Bosaso kuwaasoo maal-gashi ku samaynaya Kalluunka, hargaha iyo warshad cabitaan, wuxuna wasiirka ganacsiga uu sheegay inay shirkadaasi ka filayaan is-badal ku dhaca xaga wax soo saarka iyo shaqo abuurka.

Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ah dadka ku nool magalada Bosaso lana socda khayraadka wadanka ka buuxa, ayaa sheegay inay muhiim tahay in caalamka loo suuq-geeyo Puntland si looga wada faa’iidaysto khayraadka badda iyo bariga.

Cabdilaahi waxa uu sheegay inay wax wanaagsan tahay shirkadaha soo gaaray magalada Bosaso kuwaasoo yimi ka dib markii wasiirka ganacsiga uu safaro shaqo ku tagay dalal ka mida caalamka.

Marka laga tago ka faa’iidaysiga wax soo saarka dalka, waxaa jira shaqo la’aan ku dhacday inta badan dhalinyaradii ka xamaalan jiray xeebaha bari Puntland, waxaana sababey jariifka lagu hayo xeebaha oo sii kordhayay sanadkan iyo dowladda oo aan ilaa iyo hada waxba ka qaban.

Kalluumaysiga sharci darada ah ayaa u muuqda haddii uu sii socdo inuu sababi karo dib u bilaabasho burcad badeed sidaasi waxaa aaminsan kalluumaysato badan oo dhowaan ka hadley dareenkooda.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>