Garoowe: (pp)-Maanta oo kale, oo taariikda bishu ku beegan tahay 17 April waa maalinta loo asteeyey dhireynta Somalia , waxaana xusas kala duwan Maanta oo kale lagu qabtaa gudaha wadanka kuna aadan munaasabadan , iyadoona dadka soomaaliyeed maalintan ay si weyn uga qeyb qaadan jireen abuurista iyo beerista kumanaan geed, kuwaas oo qeyb ka noqda qurxinta deegaankooda.
Qiimaha maalintan waxaa lagu tilmaamaa in rag iyo dumar-ba u tafo xeytaan soo nooleynta deegaanka, iyadoona lagu micneyn jirrey maalintan oo kale in tahay maalinta Kulanka Dadweynaha taasi oo ay dad badan isku baran jireen ayna ku kulmi jireen ka dib marka ay isugu soo baxaan ololaha beerista dhirta,iyadoo dhici jirtey in ay isku arki jireen maalintan oo kale dad xilliyo hore isugu war danbeysay.
Waa maalin qadarin iyo qiimo u leh shacabka Soomalaayeed, kuwaas oo ku garowsan jirrey in dhirtu qeyb weyn ka tahay nolosha banii,aadamka iyo noolaha , waxayna dadku fahansan yihiin in harka geedka iyo bilicda deegaanka tahay mid laga maarmaan u ah nolosha.
Puntlandpost oo la hadashey Wasiirka Wasaarada Deegaanka Puntland C/qani Yuusuf Axmed ayaa u sheegey inay jiri doonaan qorshayaal wasaaradiisu ugu talo gashey maalintan , islamarkaana uu fariin hawada usoo marinayo shacabka Soomaaliyeed ee Puntland, kuwaas oo uu kaga dalbanayo in ay ka qeyb qaadataan ololaha dhireynta deegaanka.
Wasiirku waxa uu intaas ku darey in bulshada reer Puntland muhiim u tahay garashada beerista dhirta, si looga badbaado xaalufka wadanka ka jirra , kaasi oo faro ba,an ku haya dhulka somalida oo si aad ah looga isticmaalo dhuxusha dhirta la gubayo.
Wasaaradda deegaanku waxay sidoo kale fariin u dirtey dadka ku howlan gubista iyo ciribtirka dhirta in ay ka waantoobaan falalkaasi, islamarkaana deegaanka ay u diir naxaan.
Soomaaliya waxaa ka jirra dhibaato xoogan oo deegaanka lagu hayo, iyadoona dadkeedu aysan fahansaneyn ilaalinta deegaankooda, waxaana jirta in xasuusta maalinta dadka la socda ay yihiin tiro aad u yar, taasi oo muujineysa dayaca ka jirra deegaanka ilaalintiisa.
Nagala soo xiriir Puntlandpost.pp@gmail.com
Puntlandpost.com
Garowe.