Bosaso(pp) Dekada magalada Bosaso waxaa kusoo xirtay Markab sida qaar ka mida ah qalabkii lagu dhisi lahaa garoonka diyaaradaha caasumadda Puntland ee Garowe.
Agabka oo laga soo dajiyay Markabka Idil ayaa iskugu jiray gaadiidka ciida qaada, cagaf cagafyo iyo agab kale, kuwaasoo lagu wado in loosoo gudbiyo magalada Garowe,waxana dhismaha garoonka ku guulaystay Shirkad laga lee yahay wadanka Turkey taasoo shaqooyin kasoo qabatay garoonka Muqdisho iyo Dekada Jabuuti.
Dhismaha garoonka Garowe ayaa lagu wadaa in dhowaan la bilaabo, waxaa hadda la joojiyay diyaaradihii kasoo dagi jiray iyo kuwii ka duuli jiray iyadoona loo wareejiyay duulimaad-yadii garoonka Kanoono.
Dhaqaalaha ku baxaya garoonka diyaaradaha Garowe waxaa Puntland ugu deeqay dowladda Kuwayd wuxuuna sidoo kale la socday dhismaha Jaamacadda Maakhir Baran.
Sanadka cusub bilowgiisa ayaa lagu wadaa in la furo garoonka diyaaradaha magalada Bosaso, kaasoo hadda maraya heer gabo gabo ah.