Magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya ayaa waxaa lagu kafurmay shir looga hadlayo qaybsiga khayraadka dalka soomaaliya shirkaas oo ay kasoo qayb galeen waftiyo kakala socda Dawladda Federaalka, Dawladda Puntland, Dawlad Goboleedka Jubbaland iyo maamulada Koonfur-galbeed iyo galmudug.
Waftiga Dawladda Puntland uga qayb geleya shirka ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland Deeq Saleebaan Yuusuf, Agaasime ku-xigeenka Hay’adda Macdanta iyo Baatroolka Puntland Cabdicasiis Maxamuud Cali iyo Eng. Cabdirisaaq Burgal oo ah khabiir dhanka Macdanta ah.
Shirkan ayaa socon doona ilaa 22ka bishan aynu kujirno ee December waxaana lagu lafa guridoonaa khayraadka dabiiciga ah ee soomaaliya hodonka ku tahay iyo sidii loo qaysan lahaa maadaama soomaaliya ay hagta saartay dhabbihii nabadda iyo horumarka.
Puntland ayaa dhulka ugu khayraadka badan soomaaliya waana dhul uu ilaahay ku mannaystay khayraadka noocyadiisa kala duwan inkastoo uu sababay burburka soomaaliya aafeeyey inaanan khayraadkaasi laga faa’iidaysan.
Inta uu socdo shirkaasi ayaa waxaa si qoto dheer loogu lafa guridoona sidii loogu qaysan lahaa khayraadkaasi si siman loona hirgelin lahaa shuruucda iyo nidaamkii salka looga dhigi lahaa qaybsiga khayraadkaasi si’aanay hadhow u imaan is qabqabsi ka dhex dhaca ummadda Soomaaliya.