Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22760

Nabadoonada gobolka Nugaal oo ka soo horjeestay 4.5

$
0
0

Garowe(PP):Qaarkamid ah Odayaasha gobolka Nugaal ayaa maanta si cad u sheegay inay kasoo horjeedaan in wax lagu doorto Nidaamka 4.5,iyagoo sheegay inay shacabka Puntland isku raaceen in doorashada Soomaaliya lagu saleeyo habka deegaanka.

Nabadoonada ayaa sheegay in 4.5 xiligaan laga gudbay, islamarkaana aysan ahayn in dib loogu laabto,iyagoo xusay in dadka doortay habkaas ay dan u hayn umada Soomaaliyeed.

Waxay sheegeen in danta dadka Soomaaliyeed ku jirto in Baarlamaanka lagu soo xulo Hab deegaan oo ay soo doortaan dadka uu matalayo.

Nabadoonada ayaa tilmaamay in Puntland uu go’aankeedu cadyahay islamarkaana uu yahay in wax lagu doorto hab deegaan waxay carabaabeen in Puntland aysan raali ka noqonayn wax aysan shacabka Soomaaliyeed dani ugu jirin.

Hadalka Odayaasha ayaa kusoo aaday xili laysku mari la yahay qaabka loo qabanayo doorashada waxaayna wararka Muqdisho sheegayaan in maanta lasoo saari doono war murtiyeed,waxaana laga yaabaa in madaxda mar kale isugu laabtaan shir kale, iyagoo la sheegayo in madaxda maamul goboleedyada lasiinayo la tashiyo ay lasoo sameeyaan shacaka ay matalaan.

Halkan ka Dhagayso Codka.

Puntlandpost.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22760

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>