Gaalkacyo(PP):Qaarkamid ah Shacabka Gaalkacyo oo maanta isugu soo baxay bartamaha magaalada ayaa ka banaanbaxay in doorashada lagu saleeyo Nidaamka 4.5ka.
Dadweyne gaaraya ilaa boqol qof oo banaanbaxa dhigay oo watay boorar ay ku qornaayeen dooni mayno 4.5ka ayaa sidoo kale cod dheere ugu dhawaaqayey inay si cad uga soo horjeedaan 4.5.
“4.5 ma dooneyno in dib loogu noqdo,waayo ma aha mid wanagsana,wuxuuna sabab u noqon kara mar kale waxii an ka soo gudubnay inuu dib noogu celiya,”ayaa kamid ahaa hadalada ay lahaayeen qaarkamid dadka banaanbaxa dhigayey
Banaanbaxa oo ay ka qayb galeen waxgaradka gobolka Mudug,qaarkamid ah dadweynaha Gaalkacyo ayaa sheegay inaysan doonayn in doorashada 2016 wax lagu doorto Nidaamka qabiilada kala saraysiinaya ee 4.5ka.
Waxay dadweynuhu ugu baaqeen madaxda dowladda Puntland uga qayb gashay shirka oo uu ugu horeeyo madaxweyne Gaas inaysan marna ogalaan 4.5
Puntlandpost.com.