Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Jaamaacada Global Science University oo dood ku qabatay Gaalkacyo

$
0
0

9Gaalkacyo(pp) Jaamaacada Global Science Univertsy ee Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay qabatay Dood cilmiyeed ku saabsan Sababaha Keena & Saamaynta  uu yeesho Khilaafka Magaalada Gaalkacyo

Dood Cilmiyeedkan waxaa kasoo qayb galay maamulka Gobolka Mudug wax garad aqoon yahano Maamulka Jamacada ( GSU)  arday& Marti sharaf kale

Dr C/qaadir Maxamuud Jaamac Dhagacade oo ah madaxweynaha jaamacada ( GSU) oo ugu horeyn hadlay ayaa sheegey in loo bahan yahay in la falan qeeyo lana ogaado  halka uu ka un kamo khilaaf  & Dagaal Gaalkacyo ka dhasha 

Bile C/laahi Warsame oo ah Khabiirka doodaha daadihinayay ayaa soo bandhigay magaalada Gaalkacyo waxa ay tahay halka ay ku taal khayraadka ay lee dahay waxaana uu si qoto dheer u falan qeeya amuuraha u khaaskaa Magaalada Gaalkacyo

Dhamaan aqoon yahanada & Dadkii Hadlaya ayaa sheegey in dhibka ugu badan ee khilaafka Gaalkacyo uu salka ku hayo muranka lahaansho dhul waxaana ay sheegeen in bulshada Gaalkacyo Dagta ay tahay midaan kala maarmin
Saameeynta Khilaafka & dagaalka ayaa sheegeen inay ka dhashaan bur bur  hantiyeed dhimasho  Dhaawac & Barakac soo gaara dadka shacabkaa xarumaha ganacsiga wax barashada & adeeg yada bulshada oo gabi ahan istaaga

Aqoon yahanada & dadkii Hadlay ayaa waxa ay sheegen in loo bahan yahay in Gaalkacyo leeto xal waara & Sharci u gaara maadaama ay tahay Degmo ay kawada arimiyaan laba maamul ayna dhici karaan khilaafyo balse haday yeelayo sharci gaara oo kala haga Markaa Xalka khilaafka & Dagaalka la gari karo

Gunaanadkii Axmed Muuse Nuur Kusimaha gudoomiyaha  gudoomiyaha Gobolka Mudug ayaa sheegey in dadka deegaankan ku ay yihiin dad walaalo ah marna aan kala maarmin Xalkuna uu ku jiro nabad ku noolaashaha dhex dooda.
1

2

3

4

5

6

7

8

10

11

12

13

14

15

16

17

18

19

20

21
Cabdilaahi Yare
Gaalkacyo/Puntland

The post Jaamaacada Global Science University oo dood ku qabatay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles