Kismaayo(PP):Magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland waxaa laga xusay maalinta Ciidan booliiska Soomaaliya oo maanta ku beegnayd.
Munaasabad lagu xusayey xuskaas waxaa ka qayb galay qaarkamida h madaxda Puntland,Saraakiisha Ciidamada iyo qaarkamid shacabka.
Dadkii ka hadlay goobta waxay si isku mid ah u sheegeen in booliisku uu yahay mid ahmiyada kowaad ee ciidanka, waxayna iskula dar daarmeen in sidhow loola socda oo lala shaqeeyo.
Taliyaha Ciidamada Booliska Degmada Kismaayo Gaboobe Xasan Bare oo ugu horayn ka hadlay Munaasabada ayaa sheegay in Booliiska Soomaaliya uu marxalado kala duwan soomaray,bur burkii dalka ku dhacay ayuu tilmaamay inuu saameeyey Booliiska hadana loo baahan yahay in la garab istaago si uu uga soo kabto.
Madaxwayne ku xigeenka kowaad ee Jubbaland Cabdulaahi Shiikh Ismaciil Fartaag oo soo xiray Munaasabada ayaa dhankiisa sheegay in Maanta tahay Maalin wayn oo Ummadda Soomaaliyeed Tariikh wayn ku leh,wuxuuna tilmaamay in booliisku yihiin horjoogayaasha cidkasta oo amaanka shaqaaqaynaysa.
Fartaag ayaa carababaay in Booliiska Soomaaliya uu hada kasoo kabanayo bur burkii ku dhacay,,isagoo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay la shaqeeyaan Booliiska,si ay ugutaan wajibaadkooda.
Halkan ka Dhagayso codka.
Puntlandpost.com.
The post Kismaayo oo laga xusay maalinta Booliiska Soomaaliyeed appeared first on Puntland Post.