Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ardayda Iskuulka Al-Waaxa oo ka qayb qaatay gurmadka Sowda Cabdi Adaan

$
0
0

IMG_9632Garowe(pp) Mamulka iyo ardayda dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Al-waaxa Garowe ayaa ka qayb qaatay gurmadka loogu jiro sidii nolasheeda loo bad baadin lahaa Sowdo Cabdi Aadan oo ah lix jir ku xanuun sanaysa kaam ku yaala magalada Garowe.

Deeq lacag ah oo ay ardaydu iska soo aruuriyeen korna u dhaafaysa shan boqol oo doolar ayay ku wareejiyeen guddi iskood isku xil-qaamay oo u istaagay sidii loo bad baadin lahaa xaalada Sowda Cabdi Aadan oo mudo ka badan saddex sano xanuun darani uu ka haleelay wajiga iyo maqaarka sare ee jirkeeda.

Ibraahim Muuse Dahraan (Wadani) oo ka mid ah guddiga is-xil qaamay ee dhaqaalaha u aruurinaya gabadhaa xanuunsan ayaa u mahad celiyay ardayda lacagta iska soo aruurisay iyo mamulkooda, wuxuna ku tilmaamay inay calaamad u yihiin sida ay isku garab taagan yihiin dhalinyaradda Soomaaliyeed ugana xanuun sanayaan dhibaatooyinka carruurta soo gaaraysa.

Wadani waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in loo istaago sidii wax loogu qaban lahaa carruurta ku dayacan goobaha barakacyaasha ee magaalooyinka Soomaaliya, isagoona ku baaqay in qof kasta uu waajib ka saaran yahay inuu wax u qabto dariskiisa iyo dadkiisa.

Ibraahim oo ka mid ah wariyaasha ka howl gala magalada Garowe ayaa sheegay in looga baahan yahay hantiilayaasha ku nool caasumadda inay dowrkooda qaataan isla markasna ay soo aruuriyaan dhaqaalihii gabadhaasi yarta ah wax loogu qaban lahaa.

Sowda Cabdi Aadan ayaa kasoo jeeda qoys dan-yar ah, xanuunka haya ayaa la sheegay inaan dalka waxba looga qaban karin oo ay u baahan tahay dibadda, waana tan keentay in wariyaasha kala ah Cali Cabdi Ducale,Ibraahim Muuse Dahraan dhaqaale aruurin u sameeyaan oo dadka Soomaaliyeed usoo bandhigaan.

Wasaradda Caafimaadka agaar ahaan agaasimaha guud Dr.Cabdirisaaq Xirsi Xasan ayaa warqad uu soo saaray ku sheegay xaalada Gabadhaan yarta ah inaan dalka waxba looga qaban karin oo ay baahan tahay wadanka dibadiisa.
received_922930351131824

received_922930354465157

received_922930367798489

received_922930337798492

received_922930371131822
Puntlandpost.com
Xafiiska Garowe

The post Ardayda Iskuulka Al-Waaxa oo ka qayb qaatay gurmadka Sowda Cabdi Adaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>