Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo tababar kusoo qaatay dalka Jabuuti

$
0
0

DSC_01552Kismaayo(pp) Saraakiil iyo askar ka tirsan ciidanka Booliska Jubbaland oo tababar kala duwan kusoo qaatay dalka Jabuuti ayaa dib ugu laabtay xarunta KMG ah Jubbaland ee magalada Kismaayo.

Ciidanka tababarka lasii siiyay kulan lagu soo dhawaynayo ayaa loogu qabtay magalada,waxana ka qayb galay madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Gen.Cabdilaahi Ismaaciil Fartaag, qaar ka mid ah wasiiradda mamulka iyo saraakiil ciidan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Gen.Maxamed Warsame Darwiish ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin saraakiishii ugu horaysay oo dalka dibadiisa tababar kusoo qaaday ay dib ugu soo laabtaan Kismaayo, waxa kale uu ammaanay muddadii tababarka u socday siday asluubta iyo tixgalinta u muujiyeen.

Ciidankan ayaa dhoola-tus ku sameeyay isla goobta lagu soo dhawaynayay waxayna muujiyeen inay soo qaateen tababar dhamaystiran kuwaasoo ku saabsan habka dagaalka loo galo iyo dambiilaha sida gacanta loogu dhigo.

Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Gen.Cabdilaahi Shiikh Ismaaciil Fartaag ayaa sheegay inay farxad u tahay tababarka ay ciidankan Jabuuti kusoo qaateen kuwaasoo mudo saddex bilood ah tababarka ku jiray.

Tababarkan ayaa waxaa ciidanka booliska Jubbaland ugu deeqay dowladda Talyaaniga, kaasoo qayb ka ah dadaalada lagu xoojinayo tayada iyo aqoonta ciidanka jubbaland.

Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com

The post Ciidamo ka tirsan Jubbaland oo tababar kusoo qaatay dalka Jabuuti appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>