
Bosaso(pp) Kalluumaysiga sharci darada ah oo sanooyinkii lasoo dhaafay wuxuu saamayn ku yeeshay nolasha qoysaska ku nool magaalooyinka xeebaha leh ee Puntland.
Safar labo todobaad ku dhowaad qaatay oo aan ku tagay magaalooyinka xeebaha leh ee Puntland sida Baargaal,Gumbax,Beyla iyo Eyl ayay dadku ii sheegeen inay welwel xoogan ka qabaan haddii aan waxba laga kalluumaysiga sharci darada ah inay macquul tahaydib usoo laabashada falalkii Burcad badeedka.
Qoysaska ay nolashoodu ku tiirsan yahay xeebaha ayaa tilmaamaya inaysan jirin wax ganacsi ama wax soo saar oo xeebaha ka imaanaya %90, sababtana waxay ku sheegeen inay tahay baqdinta laga qabo Maraakiibta iyo doonyaha jariifka ah ee xeebaha ku sugan.
Maxamed Salaad Dirir oo ah wariye madax banaan ayaa barnaamij ka diyaarshay Jariifka lagu hayo badda Puntland isagoona muuqaalkan ugu magac daray Jiriifka, Boob La Sharciyeeyey.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
The post Saamayn intee leeg ayuu kalluumaysiga sharci darada ah ku yeeshay qoysaska xeebaha Puntland? appeared first on Puntland Post.