Gaalkacyo(PP):Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa gudoomiyaha gobolka Mudug u magacaabay Xasan Maxamed Khaliif oo ka tirsanaa golaha deegaanka degmada Gaalkacyo.
Wararka uu helayo Puntand today ayaa sheegaya in Xassan Maxamed Khaliif uu Madaxweyne Gaas u magcaaabay gudoomiyaha gobolka Mudug, kadib markii bilo ka hor uu is casilay gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug.
Xasan ayaa kamid ahaa musharixiintii degmada Gaalkacyo, waxaa hada shaqada gobolka sii waday gudoomiye ku xigeenka, magacaabista gudoomiyaha kusoo ayaa kusoo aaday xili laga heshiiyey xiisad dagaal oo gaalkacyo ka dhacday.
Puntlandpost.com
The post Xasan Maxamed Khaliif oo loo magacaabay gudoomiyaha gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.