Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Qaramada Midoobay oo sheegtay 18 Milyan oo ku cuno beelay duufaantii Elnino

$
0
0

Nairobi(P-today):Qaramada Midoobay ayaa sheegtay  in ka badan 18 million oo ruux oo ku nool bariga Afrika ay hadda khatar ugu jiraan cuni yari ka dhalatay roobabkii Elnino  ee dhowaan gobolka ka da’ay iyo  khilaafaadka ka jira deegaanka.

Urur goboleedka bariga Afrika ee  IGAD  ayaa Arbacadii lasoo dhaafay soo saaray digniin  ku aadan abaaraha daba dheeraaday ee saameeyay bariga iyo bartamaha Afrika  ay suuragal tahay in ay sii socon karaan ugu yeraan sadexda bilood ee soo aadan.

Agaasimaha xarunta saadaasha iyo iyo ka falcelinta cilimada ee IGAD Guleid Artan ayaa sheegay in wadamada bariga Afrika ay heli karaan roobab hor leh balse aysan di’i doonin ilaa bisha Maarso .

“Abaarta waqooyiga waa ay soo socon doontaa ilaa xili roobaadka ka xiga laga gaarayo, halka roobabkii ka di’i jirey Kenya ay hoos u dhaceen kala bar laakiin tiro intaa ka badan ayaa ka di’i doonta koonfurta iyo galbeedka wadamada Kenya, Uganda iyo Tanzania  gaar ahaan meelaha ku dhow dhow xerooyinka waa weyn,”  ayuu yiri Artan.

El Niño, waa xaalad cilimeed , oo dhacda marka xeer kulka bartamaha iyo bariga badweynta  Pacific ay noqoto mid ka diiramaad badan sida ay tahay marka caadiga ah, taas oo sababta in si dhaqso leh ay cilimada isu bedesho.

Saameynta El Niño ayaa laga dareemay bariga Afrika   bishii  Maay ee aynu ka soo gudbnay, waxaana ka jiray abaaro  sida Ethiopia, Sudan iyo Somalia.

Abaarta gobolka ka jira ayaa saameysay  Ethiopia, waxaana dowladda ay codsatay in la siiyo lacag dhan  $1.1 billion  si loogu caawiyo in ka badan  10 million oo ruux.

Wadamada  Suudaanta Koonfureed iyo Soomaaliya ayaa kamid ah dalalka meesha ugu sareysay ugu jira meelaha ay abaarta  saameysay.

Barnaamijka cunada ee qaramada midoobay u qaabilsan ee WFP gabar u hadashay oo lagu magacaabo  Challis McDonough ayaa sheegtay  in ay adag tahay in  gargaar loo gaarsiiyo dadka dhibaateysan.

Qiyaastii 300,000  oo qof oo ku nool bariga Afrika ayaa ka qaxay goobihii ay ku noolaayeen ka dib markii ay saameysay abaar.

Puntlandpost.com.

The post Qaramada Midoobay oo sheegtay 18 Milyan oo ku cuno beelay duufaantii Elnino appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>