Bosaso(pp) Deegaanka Laag oo magalada Bosaso u jira qiyaastii 30-KM waxaa ku yaala beero iyo goobo dalxiiska ku wanaagsan, waana sababta nagu kaliftay inaan sawiraddan iyo war bixintan kooban ka diyaarino.
Saaka ayaa socdaal gaaban ku tagtay deegaanka dalxiiska ee Laag, aniga iyo gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey, waxaan booqanay dhowr beerood oo ka mid ah kuwa ku yaala tuulada.
Beerahan ayaa ah kuwa lagu abuuro khudaarka noocyadeeda kala duwan iyo geedaha miraha leh, waxaan kula kulmay dhowr qof oo dhalinyaro u badan kuwaasoo uuga waramay xaalada beeraha iyo wax soo saarkooda.
Khudaarka laga helo waxaa ka mid ah liin-dhanaan,bar barooni, kaarooto, timir iyo geedo kale oo anfac u leh dadka iyo deegaanka, dhammaan waxyaabaha kasoo go’a beeraha laag, waxaa loo iig-geeyaa suuqda Puntland sida Bosaso,Qardho,Garowe iyo Gaalkacyo, waxay kaloo noo sheegeen in mararka qaarkood loo iib geeyo magaalooyin ka tirsan Somaliland.
Gudoomiyihii hore ee Gobalka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa sheegay inay muhiim tahay in dhulka la aamino oo laga shaqayso, isla markasna dhalinyaradu ka waan toobaan tahriibka iyo falalka foosha xun ee ka hor imaanaya jiritaanka dadnimo iyo dalnimo.
Tigey ayaa sheegay inuu aaminsan yahay haddii laga shaqayso dalka oo la maal-galiyo goobaha dalxiis uu wax bada is-badali karo isla markasna la heli karo dhaqaale wanaagsan.
Gobalka Bari ayaa ka mid ah gobaladda ugu quruxda badan xaga deegaanka iyo beeraha Puntland, waxaa ku yaala dhul dalxiiska ku wanaagsan iyo xeebo wax soo saar leh.
Sawiraddan ayaan kasoo qaaday beeraha Laag iyo goobaha dalxiiska.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
The post Deegaanka Laag waxaa ku yaala goobo dalxiis iyo beero wanaagsan appeared first on Puntland Post.