Gaalkacyo(pp) Madaxwaynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) oo maalmahan ku sugnaa magalada Gaalkacyo ayaa maanta usoo dhaqaaqay dhanka caasumadda Garowe.
Safarkiisii Gaalkacyo ayuu soo gaba-gabeyay shalay isagoona daahfuray sanduuqa horumarinta gobalka oo lagu damacsan yahay inuu qayb ka qaato dadaalada horumarka ee dowladdu gobalkaasi ka wado.
Madaxwayne Gaas ayaa lagu wadaa inuu dhagax dhigo dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Garowe kaasoo lagu wado in sanadka cusub howshiisa la bilaabo.
Wararka kale ayaa sheegaya Gaas inuu Garowe uga sii gudbi doono magalada Bosaso oo lagu wado in xariga laga jaro wajiga koowaad ee dhismaha garoonka diyaaradaha magalada Bosaso.
Dhismaha wajiga koowaad ee garoonka diyaaradaha Bosaso waxaa Puntland ka taageeray dowladda Talyaaniga oo ka mid ah dalalkii soo gumaystay Soomaaliya.
Cali Cabdi Ducale
Puntlandpost.com
The post Madaxwaynaha Puntland oo kusoo wajahan magalada Garowe appeared first on Puntland Post.