Garowe(PP): Madaxeynaha Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta dhigi doona dhagixii u horeeyey dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garowe.
Waxaa socota qabanqaabada xafladan lagu qabandoono garoonka diyaaraddaha, halkaas oo ay kagasoo qeyb galidoonaan xukuumada iyo shacabka, Waxaana lagu wadaa inuu yimaado madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Faroole, oo door weyn ku lahaa mashaariicda dhismayaasha garoomada Puntland.
Garoonkan ayaa muhiimad gaar ah u lahaan doona Puntland, isagoo ku yaal caasimada Puntland ee Garowe oo ah halka xarunta u ah dowladda Puntland iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya wadanka.
The post Madaxweynaha Puntland oo saaka dhagax dhigi doona dhismaha garoonka diyaaradaha ee Garowe appeared first on Puntland Post.