XAFLADDA QALIN JEBINTA DUFCADII 2AAD EE JAMACADDA MAKHIR, BADHAN
Jaamacadada Maakhir oo laga aasaasey magalada Badhan 16-Oct-2010 , waxaa aasaskeeda iyo hirgelinteeda lahaa qurba joogta mandaqadda gaar ahaan Waqooyiga Maraykanka oo ay hormuud ka ahayeen aqoonyahano khibrad dheraad ah uleh maamulida tacliinta sare kuwaas oo ay kamid yihiin:
Prof:- SICIID SAALAX AXMED SUGULE
Prof:- ABSHIR AW YUUSUF CIISE
Prof:- SICIID CISMAAN FAAHIYE
Dr:- CALI ABDIRAXMAAN XIRSI
Intaasi ka dib waxaa furitaankii Jaamacaddii laga hirgeliyey Magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag, waxaana ay muddo kooban ku tallaabsatay guulo lataaban karo oo ay kamid yihiin inay Jaamacaduu heshay dhisme ay iskaa wax-uqabso ku dhiseen shacabka ku dhaqan badhan iyo inay heshay Mashruucii weynaa ee $4million ahaa oo ay dawladda Kuwait ugu deeqday dhismaha iyo qalabaynta Jaamacadda.
Hadda 25 -12-2015 ayaa waxaa kadhacday Jaamacadda xalfaddii qalin jebinta dufcadii labaad ee kaqalin jebisa Jaamacadda Makhir iyadoo ardaydu ka qalinjebiyeen kulliyada kala ah :
- Kulliyadda Waxbarashada (Faculty of Education)
- Kulliyadda Sayniska & Teknoolojiyadda (Faculty of Science & Information Technology)
- Kulliyadda Cilmiga Bulshada (Faculty of Social Science & Humanities)
Waxaa xafladda kasoo qayb galey dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida; Aqoonyahanno , Bahda waxbarashada , Culimaa’udiin , Bahda caafimaadka , Ganacsatada madax ka socota shirkadda dhisaysa Jaaamacadda (CEC) , Ururada haweenka , ururada maxaliga ah & kuwa caalamiga ah iyo shirkadaha isgaadhsiinta .
Intaasi kadib waxaa si rasmi ah loo guda galay furitaankii xafladda Qalin jebintawaxaana furay gudoomiye ku xigeenka golaha sare ee jaamacadda
Eng Maxamed Axmed Cali (Afrikaan) isagoona u hanbalyeeyey ardayda qalin jebisay una mahad naqay cidkasta oo door ka qadatay hirgelinta iyo habsami u socodka jaamacadda.
Hormuudka Jaamacadda Maakhir Cabdiraxmaan Jaamac Cali ayaa hadal ka qaatay isagoo hadalkiisa ku bilaabay mahadnaq uu usoo jeediye Asaasayasha Jaamacadda Maakhir oo dalka debediisa iyo guduhiisa ku sugan oo marnaba aan la iloobi doonin doorka weyn ee ay kuleeyihiin jiritaanka iyo horusocodka Jaamacadda.
Wuxuu sidoo kale bogaadiyey shacab weynaha kudhaqan magaalada Badhan oo si iskaa wax kuqabso ah ku dhisay dhismihii ugu horeeyey ee ay yeelato jaamacadda Maakhir, doorkoodii ay kulahaayeen soodhoweynta Jaamacadda.
Hormuudka Jaamacadda Maakhir Cabdiraxmaan Jaamac Cali ayaa sidoo kale mahadnaq aan lasoo koobi karin hawada u mariyey Dawladda aan walaalaha nahay ee Kuwait oo xilli ay Soomaaliya u baahnayd garab istaagey isla mar ahaantaasina mashaariic waaweyn kafuliyey Deegaanada Puntland kuwaas oo ay kamid yihiin Jaaamacadda Maakhir iyo Gegida Diyaaradaha ee Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland.
Ugu Dambayntii Guddoomiyaha Jaamacaddu waxaa uu uga mahadceliyey Dawladda Puntland oo dedaal dheeraad ah kubixisay sidii mashaariicdani ay uga hirgeli lahaayeen Puntland loogagana faa’iideyn laha shacabka reer Puntland, wuxuu sidoo kale xusay wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Puntland oo si wanaagsan u qalabaysay Jaamacadda isla mar ahaantaana doormuuqda ku yeelatay horumarka Jaamacadda.
- Wasiir: Prof.Abshir Yuusuf Ciise
- Wasiir ku xigeen: Prof. Maxamed Cali Faarax
- Agaasimaha Guud ee Waax Tacliinta Sare:Cabdullaahi Cali Jaamac (Dhubad)
Wuxuu sidoo kale ka war-bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee ay soomartay Jaamacaddu isagoona tilmaamay inay muddo yar ku gaadhey guulo wax ku ool ah isla mar ahaantaana ay hadda marayso meel aad u wanaagsan maadaama labilaabay dhismihii Caalamiga aha ee Jaamacadda lana rajeynayo inuu kudhammaado si wanaagsan, taasina ay kadhigantahay riyadii Reer Maakhir oo rumowdey, isagoona hadalkiisa ku soo afmeeray ku dhawaaqistii Qalin jebinta ardayda.
Waxaa sidoo kale xalfadaas ka hadlay xubno kala duwan iyagoo dhamaantood hambalyo , dhiiri gelin iyo duco usoo jeediyey ardayda qalijebisay una mahadnaqay cid kasta oo Jaamacadda wax ku darsatey xubnahaas oo ay kamid yihiin:
Sh.Maxamuud Maxamed Cumar (Afka Culimada,Dugsiyada Al-Nuur)
Cabdicasiis Axmed Saaalax (Afka Dugsiyada Alfurqaan )
Dr . Ciise Axmed Taajir (Afka Bahda Caafimadka )
Xassan Abdi Shire (Afka hay’adda CARE Badhan )
Maxamed Taakoy (Afka hay’adda ADESO, Badhan)
Xaawo Cabdullahi Warsame ( Afka Hooyoyinka iyo Ururka Al-Nasar )
Axmed Shiikh Saalax (Afka Odayaasha Degmada)
Gebegabadii xaflada ayaa lagu gunaanaday gudoosinta shahaadooyinka (Testimonials) Ardayda qalinjebisay waxaanay kusoo idlaatay farxad iyo rayn-ray.
The post Jaamacadda Maakhir ee Degmada Badhan oo ay kaqalin jebisey Dufcaddii labaad appeared first on Puntland Post.