Garowe(PP):Wasiirka warfaafinta boostada iyo Isgaarsiinta ee maaamulka Koonfur galbeed ayaa hadlay maamulka ka dhismay degmooyin ka tirsan gobolka Bakool.
Waxa uu sheegay wasiirku in maamulkaas uu yahay mid hab qabiil loo dhisay, isagoo beeniyey tabashooyin kasoo yeeraya dadka deegaanadaas.
Xasan Cabdi Maxamed oo la hadlay Radio Garowe ayaa tilmaamay in Maamulka Koonfur galbeed lasoo gaarsiiyey cabashooyinka,balse xubno ka tirsan maamulka ay hab qabiil u dhiseen maamulka Bakool.
Waxaa uu xusay inaysan meel la fariisanayn madaxweyne ka talinaya sadexda degmo,isagoo hadalkiisa sii raacshay in degmooyinka Bakool ay ka tirsan yihiin Koonfur galbeed.
Maamulka Bakool sare ayaa Madaxweyne waxaa ka ah Wasiirkii Tababaarada iyo dhaqan celinta maamulka Koonfur galbeed,sidoo kale dhismaha maamulka waxaa ka qayb galay Xildhibaano dowladda fadaraalka oo kasoo jeeda degmooyin Yeed,Caato,Bakaal oo laga dhisay maamulka.
Halkan ka Dhagayso Codka.
Puntlandpost.com.
The post Koonfur galbeed oo sheegtay inaysan la fariisanayn madaxweynaha Bakool appeared first on Puntland Post.