Gaalkacyo-(Puntlandpost)-Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug ayaa maanta xilka si rasmi ah ula wareegay,waxaana xilka ku wareejiyey gudoomiye ku xigeenka Kowaad ee gobolka Axmed Muuse Nuur oo xilka sii hayey tan markii uu iscasilay gudoomiyihii hore ee gobolka Mudug.
Axmed Muuse Nuur ayaa Shacabka gobolka Mudug ugu baaqay inay la sheeqeeyaan gudoomiyaha cusub,isagoo tilmaamay in hadii ay wada shaqayn yeeshaan gudoomiyaha cusub iyo shacabku ay wax badan u qabsoomayaan gobolka Mudug.
Gudoomiyaha cusub Xasan Khaliif Maxamed oo gudoomay xilka ayaa sheegay inay howl adag hortaalo, islamarkaana uu ubaahan yahay wada shaqan uu ka helo shacabka iyo dowladaba.
Wuxuu akhriyey qodobo dhowra oo uu sheegay intuu xafiiska jooga inuu muhiimada siin doona,wuxuuna carabaabay inuu ku da’daalayo adkaynta nabadgalyada iyo xasilinta gobolka Mudug,isagoo tilmaamay inuu ka shaqaynayo isku xirka Madaxda nabadgalyada ee gobolka iyo Odayaash,khilaafka ayuu sheegay inuu wax ka qaban doono, islamarkaana uu booqan doono fulinta qoryaasha gobolka.
Halkan ka Dhagayso Cod Gudoomiyaha cusub.
Puntlandpost.com.
The post Gudoomiyaha cusub ee gobolka Mudug oo xilka la wareegay appeared first on Puntland Post.