Garowe-(Puntlandpost)-Xildhibaanada kasoo jeeda gobolka Sool ee ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa soo indho indhayn xaalada nololeed iyo baahiya ka jira deegaanada ay kasoo jeedaan ay ku tagaeen Safar gobolkaasi
Mudanaayasha ayaa intay ku jireen Safarkooda waxay u kuur galeen adeegyada Ha’yadaha iyo kuwa dowladdu inay si siman usoo gaaran gobolka,waxayna xuseen inay helaan saamigooda dadka gobolka Sool.
Xidlhibaanada ayaa dhan kale beelo ku dagaalamay gobolka heshiis dhex dhigay,iyagoo ku booriyey inan dib dembe dagaal udhicin.
Odayaasha labada beelood ayey Xildhibaanadu la kulmeen, iyagoo kala hadlay joojinta colaada iyo sidii nabad waarta ay uga dhex dhalan lahayd.
Xildhibaaan Cabdul Cabdi Faarax ayaa sheegay in gobolka Sool ay u aaden sidii ay ugaan lahaayeen baahida ka jirta iyo inay soo garaeen adeegyada Ha’yadaha iyo dowladdu iyo sidii colaada labada beelood ay uso afjari lahaayeen,isagoo xusay inay ku guulaystaan in labada beelood ay ka dhex abuuraan Nabad.
Cabdul ayaa hadalkiisa sii raacshay inay jiraan go’aamo nabadeed oo beeluhu ku heshiiyeen, wuxuuna carabaabay in beeshii jabisay u arkayaan inay fidmo wado.
Puntlandpost.com.
The post Heshiis la dhex dhigay beelo ku dagaalamay Sool appeared first on Puntland Post.