Marka-(Puntlandpost)- Faah faahin ayaa kasoo baxaysa dagaal shalay galinkii dambe ku dhexmaray degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose Ciidamada dowladda iyo Alshabaab.
Alshabaab ayaa la sheegay inay shalay galab weerar kusoo qaaday fariisin ay leeyihiin ciidamada dowladda oo ku yaal Qoryoolay,waxayna wararku sheegayaan dagaal halkaasi ka dhacay inay ku dhinteen 10 Ruux oo labada dhinac isugu jira.
Dadka ku nool Qoryoolay qaarkood ayaa sheegay in dagaalku uu socday mudo saacado ah,islamarkaana dagaal yahano ka tirsan Alshabaab ay gudaha usoo galaan magaalada.
Alshabaab ayaa iyaguna soo dhigay bogga ay ku leeyihiin internetka in degmada Qoyoolay ay la wareegeen,balse Saraakiil ka tirsan dowladda ayaa tilmaamay in weerarkii Alshabaab ku soo qaaday iska difaaceen.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose Maxamed Shiino ayaa sheegay in shan ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay dagaalka, balse dhinaca Al-Shabaab ka dileen illaa 10 dagaalyahan.
Puntlandpost.com.
The post Faah faahin ka soo baxaysa Dagaal ka dhacay Qoryoolay appeared first on Puntland Post.