Jawhar-(Puntlandpost)- Wasiirka arimaha gudaha dowladda Fadaraalka Cabdiraxmaan Odaywaa iyo wafti wasiiro ah ayaa maanta booqanaya magaalada Jowhar ee xarunat gobolka Shabeellaha dhexe.
Wafti oo uu ku jiro wasiiru-dowladaha maaliyadda Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa la sheegay inay Jawhar u tagayaan dar dargalintan shirka maamul usamaynta Hiiraan iyo Sh/dhexe oo dowaladdu sheegtay in lagu qabanayo Jowhar iyo inay soo arkaan siday Jowhar uga socota qaban qaabada shirku.
Dowladda Fadaraalka ayaa doonayso inay da dajiso dhismaha maamula gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe oo jowhar lagu qabanayo, walow ay diidan yihiin Odayaasha qaarkood ee kasoo jeeda Hiiraan in shirka lagu qabto Jawhar,waxayna qaarkood sheegeen inaysan ka qayb galayn shirka hadii lagu qabto Jawhar.
Wasiir Odaywaa ayaa markii ugu horaysay booqanaya maanta Jawhar tan iyo intii loo magcaabay xilka, waxaana Jawhar kasocda qaban qaabo loogu diyaar garoobayo shirka.
Puntlandpost.com.
The post Odaywaa iyo wafti uu hogaaminayo oo booqanaya Jowhar appeared first on Puntland Post.