Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Bulshada rayidka ah oo su’aalo waydiinaya madaxweyne Cabdiweli Gaas

$
0
0

medium_PjtfK3pZ
Garoowe (Puntland Post) — Xubno matalaya bushada Ra’yid ka ah ayaa su’aalo waydiinaya Madaxweyne Gaas kuwaas oo kusaabsan doorashada 2016, geeddi-socodka Soomaaliya iyo shirkii Xamar.

Kulanka oo ka socda Xarunta Horumarinta iyo Cilmi-baarista Puntland (PDRC) waxaa madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa su’aalaha waydiinaya qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah. Kulanka oo warbaahintu bannaanka ka joogta ayaa waxaa la sheegayaa in Gaas ay shacabku wax ka waydiin doonaan nidaamka 4.5 oo dadka Puntland diiddan yihiin.

Su’aalaha kaddib ayaa la filayaa wixii ka soo baxa in warbaahinta loo sheego, waxay na wararku sheegayaan in Gaas uu shirka Kismaayo qayb ka dhigan doono waxyaabaha maanta kasoo baxa kulanka uu la qaadanayo bulshada rayidka ah.

Shirkii Muqdisho ayey labada madaxweyne ee Gaas iyo Madoobe codsadeen in waqti la siiyo ay la-tashiyo la soo sameeyaan shacabkooda.

The post Bulshada rayidka ah oo su’aalo waydiinaya madaxweyne Cabdiweli Gaas appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>