Garoowe (Puntland Post) — Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa ayaa maanta kulan wada tashi la qaatay qaar ka mid ah bulshada rayid ka ah.
Kulanka oo warbaahintu bannaanka ka joogtay ayaa la sheegay in xubno ka socda bulshada rayidka ahi ay su’aalo ka weydiinayeen madaxweynaha mawduucyo ku saabsana doorashada 2016, shirkii Xamar iyo arrimaha Soomaaliya.
Markii uu kulanku soo dhammaaday, waxaa warbaahinta la hadlay wasiirka deegaanka ee Puntland, Cali Cabdulaahi Ciise, oo xubin ka ahaa guddi Puntland u xil saartay soo ururinta aragtida shacabka ee doorashada 2016, ayaa faahfaahiyey waxyaabihii kulanka looga hadlayey.
Waxa uu wasiirku sheegay in madaxweynaha, ku-xigeenkiisa iyo qaar ka mid ah golayaasha dowaladda iyo kuwa bulshada rayidka ah ay isweydaarsdeen xog ku saabsan in ay ku adkaystaan hab doorasho oo deegaan ku salaysan.
Wasiirku waxa uu warbaahinta u sheegay in madaxweynuhu warbxin guud siiyey ka soo qayb-galayaasha kulanka, isaga oo tilmaamay in la isla gartay in shacabka Puntland ku adkaystaan in doorashada 2016 lagu saleeyo hab deegaan.
The post Faahfaahin kulankii madaxweyne Gaas la qaatay bulshada rayidka ah appeared first on Puntland Post.