Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dowladda Kenya oo ka digtay weerar kaga yimmaaddo Daacish

$
0
0

Nairobi-(Puntland post)-Dowladda Kenya ayaa shaaca ka qaaday inay ka war heshay weerarro ay qorsheyneyso Daacish in gudaha dalkeeda ka geysato,markii boqolaal dagaal-yahanno ka tirsanaa Al-Shabaab ay ku biireen dowladda Islaamka.

Saraakiisha Ammaanka Kenya ayaa sheegay inay inay Daacish-tu maleegayaan weerarro, isla markaana laamaha nabad-gelyadu ay howl gallo ballaaran ka wadaan xuduudda Soomaaliya ay la wedaagaan.

Wasiirka Arrimaha gudaha Kenya Joseph Nkasiary ayaa dhowaan sheegay in howl galka AMISOM uu kala dhantaalay Al-Shabaab, ayna keentay inay labo u kala jabaan,taasoo uu ku tilaamamay fursad ka faa’iideysi mudan.

Hadalkan ka soo baxay dowladda Kenya ayaa imanaya iyadoo ay hanjabaado kul-kulul kaga imaanayaan garabkii dhawaan ka go’ay Al-shabaab ee ku biiray Daacish-ta Soomaaliya,kuwaasoo ay hor kacayaan saraakiil kasoo jeedda Kenya oo uu ka mid yahay Sheekh Maxamed Kunoow Dul-yaddayn iyo rag kale.

The post Dowladda Kenya oo ka digtay weerar kaga yimmaaddo Daacish appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>