
Garoowe (Puntland Post) — Ururka Saxafiyiinta Puntland (MAP) ayaa ka horyimid xeerka warbaahinta Soomaaliya oo dhowaan baarlamaanka federaalku ansixiyey.
Guddoomiyaha ururuka, Faysal Khaliif Barre oo la hadlay Raadiyaha Garoowe ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan xeerka, isaga oo tilmaamay in waxyaabaha ay kaga soo horjeedaan ka mid tahay in xeerku uu caqabad ku yahay wariyeyaasha Soomaaliyeed.
Waxa uu sheegay in xeerku yahay mid u samaysan qaab dowladdu ku doonayso in ay ku aamusiso wariyeyaaasha, isla markaasna ay u fududaynaya marka ay dowladdu rabto in ay dacwad ku oogto wariyeyaasha.
Faysal ayaa tilmaamay haddii xeerku hirgalo in dhalinyaro badan aysan noqonayn wariyeyaal, maadaama uusan xeerku u oggalaanayn.
Barre waxa kale oo uu sheegay in xeerku uu dhigayo in maxkamaddu ay wariyeyaasha weydiin karto cidda warka siisay, waxana uu carrabaabay in taasi ay yareynayso ilo wareedyada.
Ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed oo soo dhaweeyey xeerka ayuu Faysal sheegay in ay u madaxbanaan yihiin aragtidooda haseyeeshee ay u muuqdaan kowo gacansaar la leh dowladda, balse, waxa uu yiri, “Qodobada qaarkood ayaa ku soo noqon doonaan iyaga.
Halkan ka Dhagayso codka Faysal.
Puntlandpost.com.
The post MAP oo ka hortimid xeerka warbaahinta Soomaaliya appeared first on Puntland Post.