Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Deegaanka Calmadow waa dhul ku wanaagsan dalxiiska iyo booqashada

$
0
0

7513_927693780611444_6818251821789503542_nBosaso(Puntland-Post) Socdaal qaatay mudo ku dhow asbuuc ayaan ku tagay Deegaanka Calmadow oo hoos yimaada degmada Laasqoray ee Gobalka Sanaag, waxaa ii suurta gashay inaan u kuur galo nosha dadka iyo deegaanka.

Waxaa igu weheliyay gudoomiyihii hore ee gobalka Mudug Mudane Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo ku caan baxay soo gudbinta quruxda iyo waxyaabaha gaarka u lee yihiin deegaanada Puntland mamusho.

Calmadow waa deegaan cilmo ahaan ka duwan magaalooyinka kale ee Soomaaliya, waxaa ku yaala dhowr tuulo, sidoo kale waa dhul dalxiiska ku wanaagsan waa dhul qabow ah oo dhulka ka sareeya wax badan, tuulooyinka sida Moon oo kale waxaa la ii sheegay inaysan mudo ku dhow labaatan cisho qoraxda laga arag sababtuna waa cilimada oo ah mid qabow cirkana daruuro isku camiraan.

Socdaalkeena waxaa ka bilownay Xabaasha wacle (Guryo-Samo) Moon, Mircil iyo Ragaad dhammaan qoysaska ku nool nolashooda waxay ku tiirsan tahay wax soo saarka beeraha iyo xoolaha oo noocyo kala duwan leh, intaan ku jirnay safarkeena waxaan arkay Geel, Lo, riyo iyo ido wada daaqaya dhul aad u cagaaran, sidoo kale beeraha ku yaala Cal-madow waxaa kasoo go’a khudaar kala duwan iyo geedaha miraha leh, wax soo saarka beerahan ma ahan kuwo sidii loogu talo galay uga faa’iidaystaan suuqyada ganacsiga ee magaalooyinka sababtuna waa wadooyinka soo gala oo aad u dhib badan.

Maxamuud Faarax Bulshaale wuxuu ka mid yahay dadka deegaanka wuxuu ii sheegay Cal-madow inay tahay dhulka ugu quruxda badan Puntland hase yeeshee aan laga faa’iidaysan,caqabaha ugu weyna ay tahay xagga waddooyinka oo aysan dowladdu iyo dadka deegaanka u dhashay ee hantida haystaa waxba ka qaban.

Buuraha aadka u dhaadheer ee Calmadow haddii aad doonayso inaad fuusho waxay kugu qaadanaysaa waqti dheer si aan dhakada sare ee buurahaasi u fuulo waxaan go’aan aniga iyo Tigey ku qaadanay inaan fuulno ugu danbeyntiina way noo suurta gashay, waxaa dusha sare ee buuraha ka arkaysaa dhamaan casha oo ay isku gedaameen geedo aad u dhaadheer oo qaarkood naloogu sheegay inay daawooyin yihiin.

Tuulooyinka aanu tagnay dadku waxay noogu soo dhawaynayaan si wanaagsan markaan isku sheegno inaan nahay dad u yimi inay dhulkaa barwaaqada leh arkaan, marka laga tago marti soorka oo ay qoysaska Casha caan ku yihiin, waxaad aad u jecel yihiin inaad gudbino farriimaha ay doonayaan inay gaaraan meelaha ay ku socotay, arrimaha muhiimka ah ayaa ahayd inaysan xagga waxbarashada, caafimaadka iyo jidadka ka horumarsanayn waana baahiyaha ugu horeeya ay doonayaan in wax laga qabto.

Qabowga ka dhacaya Casha ayaa mararka qaarkiisa sababaya inaysan dadka ku nool guryahooda kasoo bixin, habeen iyo maalinna waxaa lagu fooraraa dab la shiday si qabowga jira la isaga cayriyo.

Biyaha dadku cabaan waa kuwo aad u macaan waxayna ka yimaadaan illo rabaani ah oo kasoo shum-maya buuraha, xoolaha kuwaas ayay cabaan, run ahaantii deegaankaasi waa dhul ku haboon in maal-galin lagu sameeyo, in dalxiis loo yimaado.

Ugu danbeyntii waa dhul laga qadariyo warbaahinta mana arag mudaddii aan joogay wax na dhibaateeyo balse waxaan dhagta ka maqlayney in xoogag ka tirsan Al-Shabab marin u tahay deegaankan, markaa arrintaa warsadayna dadka waxay tilmaameen inaysan jirin hoy ay ku lee yihiin balse mararka qaarkood kuwo carar ah ay maraan deegaanada qaarkood.

Cali Cabdi Ducale
Caliducale1@gmail.com
Puntlandpost.com

IMG_0244

IMG_0246

IMG_0250

IMG_0253

IMG_0257

© Cali Ducale
IMG_0269

IMG_0270

IMG_0274

IMG_0276

© Cali Ducale
© Cali Ducale
© Cali Ducale
© Cali Ducale

IMG_0284

IMG_0287

© Cali Ducale
© Cali Ducale

IMG_0291

IMG_0302

IMG_0303

© Cali Ducale
© Cali Ducale

IMG_0317

IMG_0324

IMG_0325

IMG_0331

IMG_0336

IMG_0337

IMG_0344

IMG_0355

IMG_0367

IMG_0378

IMG_0383

IMG_0391

IMG_0416

IMG_0418

The post Deegaanka Calmadow waa dhul ku wanaagsan dalxiiska iyo booqashada appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>