Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Cabdulqaadir Shariif oo ku guulaystay gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed

$
0
0

Baydhabo-(Puntlandpost)- Waxaa maaanta ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay doorashada gudoomiyaha baarlamaanka ee maamulka Koonfur galbeed.

Labada Musharax ee kala ahaa Xildhibaan Cabduqaadir Shariif Shiikuna iyo Xildhibaan Dr. Cali Xasan Cismaan ayaa xilka u tartamayey.

Wareegii kowaad ee doorashada ayey cod bixintu ku dhamaatay, kadib markii codadkii natiijada soo baxeen, Cabdulqaadir Shiikh ayaana ku guulaystay gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur galbeed.

Guddiga doorashada ayaa markii wareega kowaad soo dhamaaday ku dhawaaqay najiijada doorashada waxayna soo ban dhigeen codadka lakala helay.

Musharixiinta ayaa kala helay codad dhan Xildhibaan Cabduqaadir Shariif Shiikuna 109 Cod Xildhibaan Dr. Cali Xasan Cismaan 33 Cod.

Xildhibaan Dr Cali Xasan ayaa uhambalyeeyey gudoomiyaha cusub, waxaa uuna sheegay inuu ku faraxsan yahay qaabka ay doorashadu udhacday.

Gudoomiyaha Cusub Cabdulqaadir Shariif Shiikhuna ayaa umahadceliyey xildhibaanada codka siiyey,iyo kuwa aan siin,wuxuuna sheegay inuu guda gali doono sidii u gudan lahaa waajibaadka horyaala.

Puntlandpost.com.

The post Cabdulqaadir Shariif oo ku guulaystay gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur galbeed appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>