Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ururka Al-shabaab oo la wareegay tuulada Warmaxan

$
0
0

Af-gooye-(Puntland Post)-Dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab ayaa saaka waabarigii dagaal culus ku qaaday degaanka War-maxan oo u dhexeysa magaalooyinka Afgooye iyo Daafeed ee gobolka Shabeellada hoose, halkaasoo ay fariisin ku lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

 

Dagaalka ayaa soconayay Saacado badan,waxaana ugu dambayn u suurto gashay inay la wareegaan malleeshiyaadka Al-shabaab halka lagu diriray.

 

Dadka degaankaasi ku dhaqan ayaa sheegay dagaal qaraar oo saacado badan socday ka dib inay tuuladu u gacan gashay Ururka Al-shabaab,kuna qabsadeen gaadiidka dagaalka iyo saanad Millitery,waxana la arkayay qaarv ka mida meydadka Askarta halkaasi lagu dilay.

 

Af-hayeenka maamulka gobolka Shabeellaha hoose Maxamed Xuseen Shiino oo goor dhow la hadlayay warbaahinta Muqdisho ayaa beeniyay in Al-Shabaab ay la wareegeen Tuulada Warmaxan,waxaana uu xusay in ciidamada nabad-sugidda qaranka ay gacan ku siiyeen iney iska caabbiyaan Al-Shabaab.

The post Ururka Al-shabaab oo la wareegay tuulada Warmaxan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>