Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

MAP & UNSOM oo tababarkii usoo gaba-gabeysay wariyaashii ka qayb galay

$
0
0

IMG_0085Garowe(Puntlandpost)-Tababar mudo labo maalmood ah saddon wariye uga socday hoolka shirarka UNSOM ee magalada Garowe ayaa maanta oo Tallaado ah lasoo gaba-gabeeyay, iyadoona ugu danbeyntii la gudoon siiyay shihaadooyin cadaynaya waxay bartaan.

Xiritaanka tababarka waxaa goob joog ahaa sarkaal ka socday hay’adda UNSOM, gudoomiyaha ururka suxufiyiinta Puntland iyo Agaasimaha guud ee wasaradda Warfaafinta.

Madaxa MAP, Faysal Khaliif Barre ayaa marka hore u mahad celiyay labadii cisho ee tababarku socday sida wanaagsan wariyaasha daruusta u qaateen isla markasna u muujiyeen inay ka go’an tahay kor u qaadista xirfadooda.

Barre ayaa sheegay inuu ku saabsanaa tababarka ammaanka wariyaha, ogaanshaha barnaamijka NEW DEAL-ka Soomaaliya iyo masuuliyadda warbaahinta saaran, waxa uu suxufiyiinta kasoo qayb galay kula dardaarmay inay mar kasta xaqiiqda soo tabiyeen iyagoo xogaha ay helayaan u yeelaya xigasho.

Howard Bell oo UNSOM u hadlayna waxa uu sheegay inuu ku faraxsan yahay muddada labada maalmood ee wariyaasha xafiiska UNSOM tababarka lagu siiyay, waxa kale uu u mahad celiyay MAP oo uu sheegay inay wada shaqayn kala dhaxayso.

Agaasimaha guud ee wasaradda warfaafinta Puntland Shiikh Nuur Abuuker ayaa sheegay inay wax badan usoo kordhin doonto tababarka wariyasha qaatay isla markasna looga fadhiyo inay ka miro-dhaliyaan.

Qaar ka mida ah wariyaasha tababarka qaatay ayaa soo dhaweeyay inay aqoon ka helaan habka la isku ilaalin karo oo wariyaha ammaankiisa u sugan karo isagoo si dhex-dhaxaad ah dadka ugu soo tabinaya dhacdooyinka.

MAP, ayaa qorsheynaysa in tababaro kale ku qabato dhowaan magaalooyinka Qardho,Bosaso iyo Buuhoodle.
IMG_0046

IMG_0051

IMG_0021

IMG_0018

IMG_9983

IMG_9979

IMG_9977

IMG_9967

IMG_9962

IMG_9905

IMG_9906

IMG_9922

IMG_9923

IMG_9926

IMG_9903

IMG_9882

IMG_0107

IMG_0105

IMG_0103

IMG_0100

IMG_0078

IMG_0077

IMG_0075

IMG_0061

IMG_0064

IMG_0067

IMG_0073

IMG_0074
Puntladpost.com
Xafiiska Garowe

The post MAP & UNSOM oo tababarkii usoo gaba-gabeysay wariyaashii ka qayb galay appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>