Bosaso(PuntlandPost)-Diyaarada Jubba Airways ayaa noqotay diyaaradii ugu horaysay ayaa maanta oo Khamiis ah kasoo degtay gagida diyaaradaha magalada Bosaso, taasoo qayb ka ah diyaarado dhowr ah oo maanta la sugayay.
Diyaaradan ayaa siday ganacsato iyo dad rakaab ah, waxaana iska leh shirkadda Jubba, masuuliyiinta ku sugan garoonka diyaaradaha ayaa soo dhaweeyay tilaabada lagu furayo maalinta berito ah garoonka.
Wakiilka Shirkadda Jubba Airways ee Puntland Siciid Xassan Maxamed Jeesaan oo la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in diyaarada Jubba ay noqotay diyaaradii ugu horaysay ee kaso dagta garoonka,wuxuu sheegay in Jubba ay ka go’an tahay inay si hufan ugu adeegto dadweynaha Soomaaliyeed.
Cali Jaamac Cali Cali Food Maamulaha Jubba ee Boosaaso oo ka mid ahaa Mas’uuliyiinta la hadlay Saxaafadda ayaa sheegay shirkadda Jubba ay adeegyo hufan siin doonto dadweynaha,wuxuuna xusay in adeega Jubba uu noqon doono mid joogto ah.
Saleebaan Cabdi Cali Maamulaha Jubba ee Gaalkacyo ayaa dadweynaha Soomaaliyeed u balan qaaday in shirkadda Jubba ay siin doonto adeegyo dhamaystiran,wuxuuna sheegay inay si joogto ah uga shaqayn doonaan garoonka caalamiga ah ee Bandarqaasim.
Cabdullaahi Cabdi Aadan Budeeye oo ka mid ah hawlwadeenada shirkadda ayaa dadweynaha Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in shirkadda Jubba ay noqon doonto shirkad si Miisaan wayn uga shaqaynsa garoonka Boosaaso,xilli buu yiri ay dadweynuhu uga barteen adeegyo taxane ah oo dhinaca Duulimaadka ah
Madaxwaynaha Puntladn Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) ayaa sidoo kale soo dhaweeyay safiiradda Talyaniga iyo Shiinaha u qaabilsan Soomaaliya.
Hoos ka daawo muuqaal uu wariyaha Puntland Post Cali Ducale kasoo duubay garoonka.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso
The post Diyaarada Jubb Airways oo noqotay Diyaaradii ugu horaysay oo kaso dagta garoonka Boosaaso appeared first on Puntland Post.