Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Warbixin+Sawirro Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay boqollaal arday

$
0
0

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa maanta 09-Jan-2016 hoolk shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika ee Magaalada Boosaaso kula kulmay boqollaal arday oo wax ka-barta Jamaacadaha ku yaal magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale kasoo qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, xubno ka tirsan labada gole ee dawladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ciidan iyo Maamulka iyo barayaasha Jaamacadda Bariga Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ardaydii kasoo qayb gashay kulanka uga sheekeeyey qiimaha ay leedahay wax-barashadu iyo doorka ay kaqaadan karto aqoontu dhismaha iyo horumarka dalka.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale ku boorriyey ardayda in ay dedaalkooda kor u qaadaan oo ay ahmiyad gaar ah siiyaan wax-barashada si’ay uga qayb qaataan horumarka dalka maadaama ay yihiin jiilkii beddeli lahaa jiilashii hore.

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliy Xasan Sheekh Maxamuud ayaa geestiisa ardayda uga sheekeeyey muhiimadda wax-barashadu leedahay isagoona xusay in waqtigiisa intiisa badna uu macalinnimo kusoo qatay isla markaana ay xiiso gaar ah u leedahay maanta inu halkaan kula kulmo arday aad u tira badan oo ka kala socda jaamacado kala duwan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo ay wehelinayaan Madaxweyne ku-xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey iyoguddomiyaha Baarlamaanka Axmed Cali Xaashi  ayaa intaasi kadib waxay Garoonka Caalamiga ah ee Bosaso International Airport kusii sagootiyeen Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Waftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo u amba baxay magaalada Muqdisho.

 —DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND
IMG_7526 IMG_7528 IMG_7532 IMG_7534 IMG_7550 IMG_7554 IMG_7561 IMG_7562 IMG_7565 IMG_7570 IMG_7583 IMG_7591 IMG_7592 IMG_7596 IMG_7605 IMG_7609 IMG_7615 IMG_7617 IMG_7619 IMG_7635 IMG_7651 IMG_7668 IMG_7672 IMG_7674 IMG_7675 IMG_7676 IMG_7681 IMG_7686 IMG_7689 IMG_7693 IMG_7695 IMG_7705 IMG_7706 IMG_7708 IMG_7711 IMG_7715 IMG_7723 IMG_7753 IMG_7726 IMG_7764 IMG_7768 IMG_7770 IMG_7775 IMG_7803 IMG_7808 IMG_7812IMG_7819 IMG_7824 IMG_7829 IMG_7833 IMG_7835 IMG_7838 IMG_7842 IMG_7846 IMG_7848 IMG_7851 IMG_7857 IMG_7868

The post Warbixin+Sawirro Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Jaamacadda Bariga Afrika kula hadlay boqollaal arday appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>