Bosaso-(Puntlandpost) Madaxwayne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cabdilaahi Camay ayaa soo dhaweeyay Markabkii ugu horeeyay oo sida qaar ka mid ah qalabka lagu balaarinayo dekadda magalada Bosaso.
Eng.Camay, qaar ka mid ah gollaha wasiiradda iyo mamulka Gobalka ayaa tagay dekadda halkaasoo ay warbaahinta kula hadleen.
Wasiirka dekadaha iyo gaadiidka Puntland Cabdilaahi Jaamac Saalax ayaa tilmaamay inay bilow u tahay qorsha lagu balaarinayo dekadda ayna soo socdaan Maraakiib kale oo qalabka soo sida.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland ayaa sheegay tani inay farxad u tahay umadda Soomaaliyeed ayna muhiim tahay in laga faa’iidayso dib u habaynta lagu sameeyay kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.
Dekadda Bosaso ayaa ah mid ay ka wada faa’iidaystaan gobaladda Soomaaliya iyo Itoobiya, marka laga tago balaarinta waxaa jira fursado kale oo maalgashi isla markasna dowladdu sheegtay inay muhiim tahay in laga faa’iidaysto.
Puntlandpost.com
Xafiiska Bosaso
The post Madaxwayne ku xigeenka oo soo dhaweeyay Markabka sida qalabka dekadda lagu balaarinayo appeared first on Puntland Post.