Kismaayo-(Puntlandpost) Qaar ka mid ah xildhibaanada Baarlamaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa kulan kula qaatay magalada Kismaayo xildhibaanada Jubbaland, iyadoona kulankaasi ay goob joog ka ahaayeen labada Afhayeen ee Baarlamnka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari oo qayb ka ah shirka wadatashiga arrimaha doorashadda 2016 ayaa u mahad celiyay xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland soo dhaweynta ay Kismaayo ugu sameeyeen, waxa kale uu sheegay inay muhiim tahay in la is barto oo la iska war hayo.
Jawaari waxa kale uu ammaanay dadaalada Baarlamaanka Jubbaland uu wado, kaasoo ku aadan arrimaha hadda socda ee doorashada iyo in dadka losoo bandhigo wada xisaabtanka.
Afhayeenka Baarlamaanka Jubbaland ayaa dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin kulankan dhexmaray xildhbaanadda Federaalka, waxa kale uu sheegay inay mar kasta ka go’an tahay ka shaqaynta midnimadda umadda Soomaaliyeed.
Xildhibaanadda kulankan oo ka dhacay xarunta shirku ka socda yeeshey ayaa mid mid u hadlay, xildhibaan kasta ayaa ku bilaabay magaciisa si la isku wada barto, waana kulankii ugu horeeyay ay labada dhinac yeeshaan.
Puntlandpost.com
The post Xildhibaanada Baarlamaanka Jubbaland & kuwa DFS oo ku kulmey magalada Kismaayo appeared first on Puntland Post.