Kismaayo-(Puntlandpost) Wafdi uu hoggaaminayo safiirka dowladda Imaaraadka u qaabilsan Soomaaliya ayaa maanta gaaray magalada Kismaayo xarunt KMG ah ee mamulka Jubbaland.
Wafdiga safiirka Mohamed Al-Cutmani ayaa socdaalkooda salka ku haya qiimeynta garoonka diyaaradaha Kismaayo, kaasoo dib u habayntiisa qaadatay dowladda Imaaraadka.
Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya Al-Cutmani ayaa Kismaayo kula kulmay madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe, waxa kale ay isla meel dhigeen habka dayactirka loogu samaynayo garoonka.
Madaxwayne ku xigeenka Jubbaland Cabdiqaadir Lugadheere ayaa sheegay wafdiga safiirka inay qiimeyn ku sameeyeen garoonka, waxaana lasoo bandhigay baahida garoonka diyaaradaha ka muuqda, kaasoo lagu wado in dhowaan laga shaqeeyo.
Cabdiqaadir Lugadheere ayaa ka mahad celiyay taageeradda Imaaraadka ee la xariira arrimaha kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha Jubbaland.
Injineero qiimeynaya garoonka ayaa safiir ku weheliyay socdaalkiisa Kismaayo, wuxuna kusoo aaday xilli magalada ay ku sugan yihiin madaxda DFS iyo kuwa mamul gobaleed-yadda.
Puntladpost.com
The post Dowladda Imaaraadka oo dib u habayn ku samaynaysa garoonka diyaaradaha Kismaayo appeared first on Puntland Post.