Garowe-(Puntlandpost) Ururka la-dagalanka Tahriibka (Hiil-Waddan) oo kaashanaya ururka haweenka Puntland ayaa maanta oo Axad ah magalada Garowe ku qabtay aqoon is-waydaarsi dood wadaag ah oo diirrada lagu saarayay saamaynta uu ku yeesha tahriibka haweenka.
Kulanka waxaa kasoo qayb galay Gudoomiyaha Hiil-Waddan Axmed Faarah, gudoomiyaha haweenka Puntland Khadra Warsame iyo Gabadho aqoon yahan ah, waxayna tilmaameen in haweenka saamayn xoogan ku yeeshay tahriibka si gaar ah waxay sheegeen in saxaraha ay dhibaatooyin kufsi iyo jir dil isigu jira la kulmaan.
Amaal Maxamed Siciid oo ah madaxa mashaariicda ururka haweenka iyo Ifraah Cabdinuur oo ah Afhayeenka ururka haweenka ayaa dhankooda sheegay inay muhiim tahay in laga hortago haweenka dalka ka tahriibaya, waxay ka sheekeeyeen sababaha ay uga cararayaan wadanka inay kow ka tahay saaxiibadooda oo inta badan uga sheekeeya xaalada qurbaha, waxay ku taliyeen in la joogteeyo wacyi galinta uu wado ururka Hiil-waddan.
Gudoomiyaha ururka haweenka Puntland Khadro Warsame ayaa haweenka tahriibaya kula talisey inay dalkooda joogaan oo ay aaminaan, waxayna sheegtay inay ku kaliftey sababaha ay haweenku u tagayaan shaqo la’aan, waxay kaloo sheegtay in xafiiskeeda ka shaqeeyaan 6-haween ah oo jaamacado kasoo baxay, taasoo ay tilmaamtay inay calaamad u tahay inay muhiim tahay haweenka in la shaqaaleysiiyo.
Khadro Warsame ayaa ka warantay Gabar Soomaaliyeed oo fal xanuun badan loogu gaystay wadanka Liibiya, waxayna ugu danbeyntii sheegtay in dalka meel ka wanaagsan uusan jirin isla markasna ay muhiim tahay haweenka tahriibey inay dalkooda kusoo laabtaan.
Ugu danbeyntii gudoomiyaha olalaha la-dagalanka tahriibka (Hiil-Waddan) Axmed Faarax ayaa sheegay doodan iany kasoo baxeen aragtiyo macno leh oo looga hortagi karo falalka tahriibka oo sanooyinkii lasoo dhaafay dhalinyaro badan dalka ka cararee.
Axmed Faarax waxa uu sheegay inay xooga saarayaan in dhalinta laga wacyi galiyo, waxa kale uu sheegay in saamayn ku yeelato waalidiinta taasina loo baahan yahay in laga hortago.
War bixinada laga helayo dhalinyarada wadanka ka tahriibay ayaa sheegaya inay badankood ku dhibaateysan yihiin dalalka Liibiya iyo Talyaaniga kuwaasoo daryeel la’aan iyo qaabilaad la’aan ula jooga darbiyadaha dalal ka mid ah qaaradda Yurub.
Puntlandpost.com
The post Hiil-waddan oo dood ku saabsan Haweenka Tahriibaya Garowe ku qabtay appeared first on Puntland Post.